Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Booliska Kismaayo oo goob fagaare ah ku gubay..

Booliiska Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyihii ugu badnaa xashiishka ee mudooyinkan lagu qabto magaaladaas

Rugta Booliska Baar-caleen ee magaaalada Kismaayo ayaa lagu gubay Xashiish gaaraya 76 duub ah oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidamada amaanka, gaar ahaan Booliiska degmada Kismaayo.

Taliska qaybta gobolka Jubada hoose, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Kismaayo ayaa goobjoog ka ahaa halka lagu gubay maandooriyahan, si aanay bulshada ugu gudbin.

Boolisku ma sheegin in laa soo qabtay iyo in kale ragii watay Maandooriyahan iyo halka laga keenay markii hore, waxaana talaabadan soo dhoweeyey shacabka magaalada Kismaayo.

Related posts

Xog: Khilaaf xooggan oo mar kale ka dhex bilowday Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Danab iyo Gorgor oo la geeyay Shabeelaha Dhaxe iyo Howlgal culus oo…

Cabdi Cade

Doorashada Kursi loo xiray Musharax Madaxweyne oo Maanta dhaceysa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---