Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo soo bandhigtay qorshe cusub & Deni oo ka hadlay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay daah-furka qorshaha horumarinta Dowladda Puntland ee 5-sano oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii horumarinta Dowladda Puntland ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha 5-ta sano ee soo socota oo ay si farshaxameysan u soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta.

“Marka la fiiriyo warbixinta lasoo bandhigay meelaha guulaha laga gaaray waa meelaha Dowladdu sida tooska ah u maal geliso sida Amniga, Dimuqraadiyada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

Dimuqraadiyada wixii ku baxay dowladdaa 80% bixisay, Waxbarashada kharashka ku baxa Dowladda iyo Shacabka ayaa 80% bixiya, iyaga dhismayaal iyo waxyaabo kooban waa jiraa oo nalaga taageero.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Qorshaha Dowladda Puntland ee 5-sano ee soo socota  iyadoo la hirgelinayo horumarka la hiigsanayo, hadana waxaa qeyb ka ah isku tashi iyo tashiilka maadaama Adduunku xiligan ay ka jirto xaalado saameeyay dhaqaalaha.

Deni ayaa dhinaca kale ka hadlay isbedelka lagu sameeyey xafiiskii QM ee Somalia UNSOM.

“Xafiiska UNSOM Qaramada Midoobey ee isbedelku ku yimi shada ugu badan xoogeeda Puntland kama qaban jirin, Ciidanka Atmis ee taageerada ugu badan ay siiyaana halkan ma joogaan sidaas awgeed marka ay dhamaato 2-da sano ee xafiiska QM uu KMG yahay marka ay dhamaato  ayey Puntland faa’iidada ugu badan heli doontaa” ayuu yiri Deni Madaxweyne Deni.

 

Related posts

Wasaarada Warfaafinta DF oo beenisay warar laga sii daayey warbaahinta gudaha

Caydiid Ali

Golaha Shacabka oo ansixiyay heshiiska ka hortaga dembiyadda abaabulan iyo baratakooladiisa

Cabdi Cade

Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---