Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo shir wadatashi ah la qaatay xildhibaannada labada Aqal (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan wadatashig ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland.

Xildhibaanada oo ku yimid martiqaadkii Madaxweynahu uu u fidiyay Xildhibaanada labada Aqal si wadatashi balaadhan looga yeesho xaalada guud ee siyaasada dalka, ayaa wada latashiyada ay la yeelanayaan qeybaha Kala duwan ee Bulshada iyo hogaanka dowladda Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xildhibaannada labada Aqal kala hadlay qorshaha maamulkiisa ku doonayo in doorasho ku qabsadaan, si looga hortago firaaq dastuuuri oo ku dhaca golayaasha maamulka.

Shirka wadatashiga ee Kismaayo uga furmay Madaxweynaha Jubbaland iyo xildhibaannada labada Aqal ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno ka dhan Villa Soomaaliya laguna taageerayo doorashada Jubbaland.

Related posts

Maxkamadda Racfaan oo maanta go’aan kasoo saareysa Kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Cabdi Cade

Ciidamada DF oo soo afjaray weerarkii ka socday dhisme ku yaalla Mirinaayo

Caydiid Ali

Wasiiro cusub oo caawa lagu dhaariyey xarunta Madaxtooyada Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---