Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Ukraine oo xaalad adag wajahaya qeylo dhaana dirsaday

Taliyaha guud ee ciidanka Ukraine ,Jen. Oleksandr Syrskyi ayaa ku dhawaaqay inay wajahayaan xaalad adag oo ka taagan goobaha dagaalka, wuxuu soo hadal qaaday inay ciidanka Ruushka ku dhowyihiin burburinta aagga difaac ee Pokrovsk iyo Kurakhove, isagoo markaa tilmaamay inuu wargeliyay Mareykanka iyo Midowga Yurub dhibaatooyin isa soo taraya , xilli ciidanka Ruushka ay horey u socdaan , lana filayo sida uu sheegay kumannaan askarta Kuuriyada Waqooyiga in dhawaan la soo geliyo dagaalka.

Dhinaca Ruushka , waxaa lagu warramayaa tan iyo Jimcihii inay ciidanka Ruushka hareereyeen magaalada ku taalla bariga Ukraine ee Kurakhove oo lagu sheegay inay ahayd aagga difaac ee ugu muhiimsanaa ciidanka Ukraine ee ku sugan gobolka Donetsk, iyadoo lagu sheegay qabsashadan magaaladan inay ka dhigantahay Ruushku si dhammeystiran inuu ula wareegayo gobolka Donetsk iyo soo afjarida dagaalka jidaha bariga ee dalka Ukraine.

Ruushka wuxuu qabsanaya bariga Ukraine , xilli madaxweynaha la doortay ee Mareykanka , Donald Trump uu iskudayayo inuu dhex dhexaadiyo labada dhinac si loo joojiyo dagaalka, balse waxa aan u wanaagsaneyn Ukraine ayaa ah in qorshaha nabadda ee Trump aysan ku jirin in Ukraine loo soo celiyo dhul gacanteeda ka maqan oo uu jiro gobolka Crimea, sida uu sheegay kaaliyaha sare ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Bryan Lanza.

“ Xalka waa nabad ma aha in laga hadlo dhul… maamulka Madaxweyne Donald Trump waxay ka codsan doonaan madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy aragti dhab ah oo nabadeed— haddii madaxweyne Zelenskyy uu yimaado miiska oo uu yiraahdo, waxaan nabad ku heli karnaa kaliya haddii aan haysano Crimean
…wuxuu na tusayaa inaysan dhab ka ahayn nabadda uu raadinayo .. Crimea way tagtay,” ayuu yiri Bryan Lanza oo la hadlay BBC-da.

Related posts

Ciidamada dowlada oo la wareegay degaano cusub oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Masuul katirsan maamulka G/Banaadir iyo Kulane Jiis oo Xildhibaano noqday (Sawirro)

Cabdi Cade