Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo hakisay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee maamulka Jubbalabd, ayaa lagu shaaciyay in ay hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta ee kala dhaxeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ka shaqeeneyso hagardaamada iyo fashilinta maamulka Jubbaland, waxaana warka kasoo baxay Jubbaland lagu eedeeyay dowladda Federaalka in ay hagardaameysay howlgaladda ka dhanka ah Al Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, ayaa sheegtay in ay ka xun tahay qoraalkii xalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa ay sidoo kale sheegtay wasaaradda in u madax-bannaan tahay in ay dhowrto dastuurkeeda ayna qabsato doorashadeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo digniin adag u diray Ganacsatada Muqdisho

Cabdi Cade

Maraakiib dagaal oo Ingiriiska leeyahay oo iskula dhacay xeebaha dal Carbeed

Cabdi Cade

Ajendaha looga hadlayo kulanka ugu horeeya ee Golaha shacabka oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---