Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Jubbaland oo meel mariyay guddigii uu Axmed Madoobe magacaacay

Xildhibaannada golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubbaland , ayaa goordhaw meel mariyay guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland uu xalay wareegto ku magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka xildhibaannada Jubbaland oo ay soo xaadireen 66 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh waxa ay u meel mariyeen guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland, kuwaa oo ka shaqeenaya hirgalinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyay in ansax yihiin guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, waxa uuna sheegay in hadda kaddib ay guda gali karaan howlihii loo igmaday ee ah hirgalinta doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoowe ayaa xalay magacaabay 7-xubnood oo ah guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland, guddigan ayaana ka shaqeenaya doorashada Jubbaland oo mar male la filayo in uu kusoo baxo Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda kasoo horjeesatay guddiga uu magacaabay Axmed Madoobe, waxa ayna dowladda uga digtay hoggaamiyaha Jubbaland in uu qabto doorasho aysan dowladda raali ka aheyn oo abuuri kara xiisad siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Kenya oo Damacsan qorshe cusub ay dooneyso In ay Soomaaliya ku Baaddo !!

Cabdi Cade

Dhaqtar ajnabi ah oo Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax Gaari

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo kormeeray Xarumo & Suuqyo ku yaalla Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---