Maleeshiyaad katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud, waxaana weerarkaasi kahor tagay oo iska difaacay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka degaanka ayaa la sheegay in ay ka hortageen iskana difaaceen weerarka saakay kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada ciidanka ku leeyihiin magaaladaasi.
Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha guutaadda 77-aad ee ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ku jabiyeen weerarkii ay kusoo qaadeen, waxa uuna xusay in ay ka dileen 9 nin kuwa kalana ka dhaawaceen.
Sargaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay sii eryanayaan firxadka kooxdii Al Shabaab ee saakay weerarka kusoo qaaday magaalada Masagawaa.