Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo ka hadlay tiknoolajiyada casriga ee maamulkiisu adeegsado

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee lagu casuumay Madasha Magaalooyinka Aduunka ee 12-aad ayaa hadal jeedin ka sameeyay munaasabadda Isbaheysiga Duqoowda Magaalooyinka ee dhinaca ka faa’ideysiga Tiknoolajiyada.

Duqa Muqdisho ayaa ku dheeraaday horumarada tiknoolajiyadeed ee ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan sida ay Dawladda Hoose ee Muqdisho u adeegsato, asigoona xusay in tiknoolajiyada loo adeegsado adeegyada dadweynaha iyo hanaanka dakhli aruurinta, taasi oo xoojiso waxqabadka iyo isla-xisaabtanka Maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa codkiisa ku biiriyay muhiimadda ay leedahay Adeegsiga iyo ka faa’ideysiga tiknoolajiyada, si loo tayeeyo adeegyada dadweynaha, isla markaana lagu horumariyo Magaalooyinka Aduunka.

Maamulka gobolka Banaadir , ayaana adeegsada tiknoolajiyada oo inta badan caalamka laga isticmaalo, taa oo wax badan ka beddeshay shaaooyinka xafiisyada kala duwan ee maamulka gobolka.

Related posts

DF oo ku eedeysay Jubbaland afduubka Diyaarad & duulimaadyadii…

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo go’aan culus ka qaatay jinsiyadiisii 2aad ee Maraykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Gobsho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---