Allbanaadir.com
NEWS

Qatar oo si adag u beenisay warar saacadihii lasoo dhaafay la baahiyay

Dawladda Qatar ayaa si rasmi ah u beenisay dhammaan wararkii la xiriiray ka bixitaanka dhex dhexaadinta wada xaajoodyada xabbad-joojinta Qasa oo ay ku sheegtay in si khaldan loo dhigay iyo in la xirayo xafiiska siyaasadda Xamaas ee ku yaalla Dooxa.

Warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar, oo lagu soo bandhigay hadalka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, Dr. Majed bin Mohammed Al Ansari, ayaa lagu sheegay dhammaan wararkaa inaysan sax ahayn .

Ugu horreyn warsaxaafadeedka wuxuu ka hadlay warka la xiriira dhex dhexaadinta ay ka baxday Qatar, waxaa lagu sheegay in go’aankan 10 maalin ka hor ay Qatar wargelisay dhinacyada ay quseyso , iyadoo Qatar ay ku wargelisay inay joojisay illaa inta dhinacyada Xamaas iyo Israa’iil ay isugu imaanayaan meel ay ku gaari karaan heshiis inaysan wax dhex dhexaadin ah sameyn doonin, balse marka fikradaha labada dhinac ay ku oggolaanayaan heshiis , waxay Qatar qaadanaysa doorkeeda dhex dhexaadinta.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, isagoo ka hadlaya warka la xiriira in la xirayo xafiiska siyaasadda Xamaas ee Dooxa, wuxuu sheegay in wararka ay warbaahintu ka qortay xafiiska Xamaas ee magaalada Dooxa inay yihiin kuwa aan sax ahayn, isagoo tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee xafiiska Xamaas ee ku yaal Qatar uu yahay in la isku xirto dhinacyada ay khuseyso, gacana uu ka geysto wada-xaajoodyada is dhaafsiga maxaabiista iyo xasilloonida.

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo abaabulkii ugu dambeeyey ka wada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Khilaaf uu u dhaxeeyo Farmaajo iyo Kheyre ?

Cabdi Cade

Dowladda oo lagula taliyay in Wadahadalka Itoobiya labo arrin ku adkeesato

Cabdi Cade
Taboola Ads ---