Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo kahor timid doorashada uu qabsanayo Axmed Madoobe digniin adagna u dirtay

War-saxaafadeed kasoo bsxay Wasaaradda Arrinaha Gudaha  iyo Federaalka Soomaaliya ,ayaa looga soo horjeestay qorshaha Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku doonayo in uu ku qabsado foorasho mar kale uu kusoo baxayo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in  Axmed Madoobe ka dhammaatay muddadii xil heynta kuna ekeyd bishii August ee sanadka hore,waxa ayna uga digtay in uu qabsado doorasho dad badan oo la ogyahay in uu kusoo baxayo uuna abuuro qalalaase iyo kala qeybin.

Warka kasoo baxay dowladdu, ayaa lagu caddeeyay in aan doorasho la qaban karin oo aan ogeyn dowladda dhexe, islamarkaana aheyna doorasho qof iyo cod ah, iyadoo hogaamiyaha Jubbaland ku eedeysay in uu ka baxay heshiishyadii Madasha GWQ iyo heshiiskii 2019-kii uu la galay Saamileydii Siyaasadda Jubbaland oo dhigayay in uusan mar dambe Axmed Madoobe Murashax noqon.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaar tahay in la fadhiisato lana hadasho hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafka salka ku haya doorashada ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowlada Federaalka

Cabdi Cade

Dhameystirka Qorshaha Diiwaan galinta Ciidamada Milatariga oo laga wada hadlay

Cabdi Cade

Sarkaal lagu dilay magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---