Allbanaadir.com
NEWS

Qiyaastii 100 qof oo dhimasho & dhaawac noqday ka dib Markii..(Sawirro)

Booliska Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taal gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

66 kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaasoo dhacay xilli tareen subaxa hore meesha ka baxa uu ka sii dhaqaaqayay busteejada Quetta ee koonfur-galbeed Pakistan, uuna ku sii jeeday magaalada Peshawar.

Koox mintidiin ah oo lagu magacaabo Ciidamada Xoreynta Balochistan Liberation Army, ayaa sheegtay in ay fuliyeen qaraxa oo ay booliisku u arkaan in uu ahaa weerar ismiidaamin ah.

Dhawaanahan waxaa gobolka si aad ah ugu soo badanayay weeraro lagu hoobtay oo ay ay ka dambeeyeen fikradaha madaxbanaani doonka iyo gacan ku haynta kheyraadka deegaanka.

Guddoomiyaha magaalada ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen ku dhawaad ​​66 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska, oo la yiraahdo Muxamed Baloch ayaa sheegay in qaraxa loo maleynayo inuu ka dhashay qof is miidaamiyay oo watay 6-8 kiilo oo walxaha qarxa ah. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira rayid iyo ciidan

Related posts

Qofkii ugu horreeyay oo dalka Kenya ugu geeriyooday xanuunka Mpox

Cabdi Cade

Madaxweyne Emmanuel Macron oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Booliiska Garawe oo gacanta ku dhigay hooyo la baxsaneysay gabdho ay dhashay

Cabdi Cade