Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka DF oo dilay nin miino aasayey, Mid kalena qabtay

Ciidanka xoogga dalka ayaa dilay ka mid ah labo nin oo miino miinooyin ku aaseyey Gobolka Shabeelaha hoose Gaar ahaan Wadooyinka Xariiriya Buufow bacaad km 50 Bariire illaa iyo Awdheegle

Sida ay sheegtay warbaahinta DF Ciidamada Amniga oo raggan xogtooda dusha kala socodey ayaa ku guuleystay in khaarijiyaan mid ka mid ah

Ciidamada ayaa gacanta lagu dhigey ninka labaad isagoo Nool Sidoo kale waxaa lala wareegey Miino Nooca dhulka lagu Aaso ee uu wadey oo ciidamadu furfureen ka dibna dhigeen meel amaan ah.

Wadooyinka Xariiriya Buufow bacaad km 50 Bariire illaa iyo Awdheegle Gobolka Shabeelaha hoose ayaa marar badan ka dhacay qaraxyo dhimasho iyo dhaawac u geystay askar iyo dad shacab

 

Related posts

Shir Amniga sii xumaanaya ee Caadimadda looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xiriirka kubadda Cagta oo go’ aan cusub kasoo saaray ciyaarihii dowlad Goboleedyada ee la hakiyay

Cabdi Cade

Siyaasi caan ah oo soo bandhigay qaabka ugu macquulsan ee la isaga difaaci karo Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---