Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo dhaleeceysay amar ay bixisay dowlada Somalia

Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ay kasoo baxaan furimaha hore ee gobolka Jubada hoose

Wasaarada oo qoraalsoo saartay ayey ku sheegtay in DF ay siyaasadeysay howlgalkii lagula jiray al shabaab sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac u dhexeeya.

DF & Jubbaland ayaa waxaa ka dhex alloosan khilaaf la xiriira arrimaha doorashooyinka ka dib markii Axmed Madoobe uu ka baxay shirkii golaha wadatashiga ee dhowaan ka dhacay Muqdisho sababo la xiriira inuu diiday doorasho dadweyne oo ka dhacda dalka taasoo ay soo jeedisay DF.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

 

Related posts

Maxaa ka dhalan kara haddii aan la qaban madaxda dembiyada ka gala dalka iyo dadka?

Caydiid Ali

Booliis qabtay Daroogo halis ah oo meel lama filaan ah lagu soo qariyay

Cabdi Cade

Maraykanka iyo Israel oo ka fekeraya dhismaha Maamul-Gobaleedka Qasa iyo Ururka Xamaas oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---