Allbanaadir.com
NEWS

Maxay yihiin xubnaha lagu hor dhaariyey Axmed Madoobe?

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qeygalay dhaarinta Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta cusub ee Gobolka Gedo

Madasha dhaarinta waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud, Wasiiradda Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Arimaha Gudaha, kusimaha ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud iyo Bulshada qeybaheeda Kala duwan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in awooda Bahda Caddaaladda aan looga faa’iidaysan nin jeclaysi iyo laaluush loona baahan yahay in la dabaqo sharciga.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Guddiga Adeega Garsoorka Jubaland oo dadaal badan ku bixiyay shaqaalaysiinta Bahda Garsoorka Gobolka Gedo oo soo maray imtaxaan caddaalad ah si loo helo dad aqoon ahaan iyo shaqsiyad ahaanba anfici kara Bulshada.

Related posts

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Somalia & Qadar? (Sawirro)

Caydiid Ali

Markab siday Xoolo kumanaan neef gaaraya oo si lama filaan ah u degay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ruxay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---