Allbanaadir.com
NEWS

Guddigii ka shaqeyn lahaa hirgalinta damaca Xasan Sheekh oo guddoon doortay

Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha oo kulan yeeshay ayaa doortay guddoon.

Cod la qaaday ayaa guddoomiyaha guddiga u doorteen Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, halka Senator Iftiin Xasan Iimaan Baasto loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga, Xoghayaha Guddiga ayaa loo doortay Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan)

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah, waxaana goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abahirow oo ay wehliyaan habdhowraha Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale Xoghayahaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Guddigan maanta doortay guddoonka ayaa dhawaan waxaa magacaabay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ,waxa ayna ka shaqeenayaan diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo sidoo kale sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka.

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Kampala iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay in ay billowday tartanka bixinta liisanka balookyada saliidda

Cabdi Cade

WhatsApp oo joojin doonta Isticmaalka qeybaha farriimaha Mobeelada qaar iyo Sababta keentay

Cabdi Cade