Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo magaca ka beddelay mid kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray digreeto magaca looga beddelayo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xukuumadda Soomaaliya, magacaas oo hadda kaddib wasaaradda aan loogu yeeri doonin.

Sida ku cad wareegtada uu soo saaray Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu bixiyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta magaca cusub ee ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ma caddeyn sababta xilligan keentay in magaca wasaaraddan is bedel lagu sameeyo, waxaana hadda meesha ka baxaya magacii hore ee arrimaha Diinta, waxaana beddelaya magaca Islaamka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey magaca uga beddeshay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxaana magacaasi hore lagu beddelay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo mar kale la kulmay Moon Jae-in (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin dil ka geestay Muqdisho oo Kismaayo laga soo qabtay iyo Booliiska oo soo bandhigay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Dab Khasaaro geestay oo ka kacay Suuqa Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---