Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Itoobiya laga reebay howlgalka cusub

Ciidamada Midowga Afrika ayaa howlgal cusub oo nabbad ilaalin ah ka bilaabaya Soomaaliya horaanta sannadkan cusub, waxaana howlgalkan noqonaya mid ka duwan midka hadda waqtigiisa dhammaaday ee ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaana dedaal badan ku bixisay sidii ciidamada Itoobiya looga reebi lahaa howlgalka cusub ee nabbad ilaalinta, waxa ayna dowladda Soomaaliya iyada  codsatay ciidamada ka mid noqonaya howlgalkan iyo dalalka ay ka socdaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo saakay la hadlay telefishinka Qaranka, ayaa shaaciyay in si rasmi ah looga reebay ciidamada Itoobiya in qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ay Soomaaliya ka bilaabayaan horaanta sannadka 2025-ka.

Waxa uu sheegay wasiirka in howlgalkan ka duwan yahay kuwii hore lana dhimay ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka noqonaya, waxa uuna xusay in hadda xaqiijinayo kaliya in Itoobiya laga reebay howlgalkan , balse dib kasoo sheegi doonaan dowladaha cusub iyo kuwii hore ee qeybta ka noqonaya howlgalkan.

Dowladda Itoobiya ayaana si weyn uga soo horjeeda in laga reebo howlgalka cusub ee nabbad ilaalinta ee ciidamada Midowga Afrika u joogayaan Soomaaliya, waxa ayna Itoobiya sidoo kale diidan tahay in howlgalkan qeyb ka noqdaan ciidamada Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Difaaca Puntland oo diyaar garow dagaal galay iyo taliyahooda oo…

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo abaal marin caalami ah siisay Imaam Masjid

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Dhulka iyo Saraakiil kale oo abaabul u tagay Shabeelaha Hoose (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---