Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin oo Xamse Barre kula taliyay saddex arrin in midood sameeyo !

Agaasimihii hore ee hay’adda nabbadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay khilaaf xooggan ee xilligan u dhaxeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee xilligan dhex tolan maamulka Jubaland iyo dowlada Federaalka uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare oo kasoo jeeda Jubbaland.

Qoraalka uu soo saaray Fahad Yaasiin ayuuna kula taliyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre in uu sameeyo saddex arrin midood, si uu u muujiyo awoodiisa ama in uu isaga tago kursiga uu fadhiyo uu ku helay magaca maamulka Jubbaland.

Fahad Yaasiin ayaana saddexdan arrin kula taliyay Xamse Barre

Dhan walba oo laga joogsado Mudane Xamse waxaa u furan tubaha soo socda;

1. In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan.

2. In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan.

3. In uu ku dhawaaqo inuusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taalo Dad badan ka yaabisay oo laga dhisay magaalada Almaty !!(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Doorasho laga reebay Xildhibaanadii hore oo maanta ka dhaceysa Kismaayo

Cabdi Cade

Sudan oo kahor-timid Bayaankii Adis Ababa kuna hanjabtay in ay ka baxeyso IGAD

Cabdi Cade
Taboola Ads ---