Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo shir isugu wacay Wasirro Afrikan ah iyo Ujeedka uu ka leeyahay

Dowladda Ruushka ayaa waxay qabaneysaa maanta shir ay ku casuumtay wasiirada arimaha dibadda ee wadamada Afrika. Kulanka oo ka dhici doona magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa imaanaya xilli aqalka Kremlin ka uu doonaya in uu dib u hanto galaangalkii uu lahaa xilligii Soofiyetka isaga oo sare u qaadaya xiriirada dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka ee uu la leeyahay qaaradda Afrika.

Kulankaan ayaa waxay u badan tahay in diiradda lagu saaro arimo ay daneyn karaan hugaamiyayaasha Afrika sidoo kalana u adeegaya hadafka Ruushka ee ah in uu ka hortago galaangalka reer galbeed ee qaaradda.

Mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee ka soo baxay shirkii dhacay sanadkii hore ayaa waxaa ka mid ahaa in si wadajir ah looga soo horjeesto gumeysiga dahsoon ee lagu hayo qaarada oo idil.

Si ka duwan Maraykanka iyo wadamada Yurub oo doonaya in sii xoojiyeen dimuquraadiyadda Afrika, Ruushku wuxuu macaamil la sameystay ragga xukunka ka tuuray taladana kala wareegay madaxweynayaal Afrikaan ah.

Hogaamiyeyaasha Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa si isa soo taraysa u jeestay dhanka Moscow iyaga oo ka doonaya taageero milateri, waxayna xiriirka u jareen Faransiiska.

Walaaca jira ayaa ah in dib-isu qaabayntaan aysan waxba ka tarin wali hakinta faafitaanka halista ah ee kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah ee gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiliga Muqdisho la keenayo lana aasayo Meydka Wasiirkii Dastuurka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Gudoomiyaal Degmo iyo Odayaal (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Puntland oo dowlada Somalia ka dalbatay iney ku soo Wareejiso Qoondada Sanadkan ee…

Caydiid Ali
Taboola Ads ---