Allbanaadir.com
NEWS

Guddi ay magacaabeen guddoonka labada Aqal oo sharcidarro lagu tilmaamay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magacaabay guddi Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka , ayaa sharcidarro ku tilmaamay guddigan ay dhiseen guddioonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee u xilsaaran diyaarinta xeerka doorashooyinka.

‘’Tan kale, waa sharci daro in guddi ku meelgaar ah (Ad hoc committee) la dhiso, iyada oo aan sharciyada loo xilsaaray aan Golaha la horkeenin. Waxay ahayd in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka loo geeyo, haddii markaa ka dib ay baahi keento Guddiga ku meelgaarka uu Guluhu ansixiyo’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsane ayaa sidoo kale sheegay in guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka jeebka ugu jiraan Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna ku eedeeyay guddoonka labada Aqal in ay ku tumanayaan dastuurka iyo xeer hoosaadka labada Aqal u yaalla.

Dhismaha guddigan ayaa imaanaya xilli muddo bil dheeraad ah dib loo dhigay fasaxa xildhibaannada labada Aqal , iyadoona la filayo in bisha ay sii shaqeenayaan ansixiyaan xeerar kala duwan ay ugu muhiimsan yihiin midda doorashooyinka.

 

Related posts

Ciidamada Dowlada oo goordhaw dagaal kula wareegay Degmo ay maamuleysay Kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Xisbullah oo weerar culus oo gantaallo ku qaaday saldhigyo Israel leedahay

Cabdi Cade

Wasiirkii hore ee amniga DF oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---