Allbanaadir.com
NEWS

Qof kale oo loo xiray dilkii argagaxa lahaa ee loo geestay Deeqa Cabdinuur

Waaxda dembi-baarista ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in qof kale ay u soo xireen dilka gabadh meydkeeda oo la jarjaray laga helay 31-kii October, qabuuraha Langata. Qofka la soo qabtay ayay saraakiisu magaciisa ku sheegeen Jared Mong’are.

Dambi baarayaasha ayaa waxay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen qalab ay ka mid yihiin baangad dhiig leh, boorsada dumarka ay qaataan, dhar iyo qalab kale.

War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay in baarayaasha kiiskan oo ka duulayay macluuma.d sirdoon ay caddeeyeen in Mong’are, laga qabtay goob uu ku dhuumanayay magaalada Eldoret

Sidoo kale waxaa la ogaaday in qolkii uu Haashim Dagane Muxumed, dagganaa ee lagu dilay gabadha dhibbanaha ah ay ka kireysay gabadh ganacsato oo iyaduna horey uga sii kireysatay milkiilaha guriga oo ay siin jirtay bil kasta kiro dhan Sh55,000 .

Si kastaba ha ahaatee, mulkiiluhu wuxuu soo saaray ogaysiis ku saabsan kordhinta kirada laga bilaabo November 2024, taasoo ku qasabtay haweeneydan inay soo dirsato dad alaabta u rara si ay uga guurto 1 November, 2024.

Tani waxay ahayd maalin kadib markii kaamiradaha CCTV-ga ay qabteen tuhmanaha weyn ee Haashim oo qolka kasii baxaya 31-kii Oktoobar.

Dambi baarayaaha ayaa sidoo kale su’alo waydiiyay milkiilaha dhismaha uu falka ka dhacay oo lagu magacaabo Alice Mbinya.

Saraakiisha ayaa waxay sidoo kale su’aalo waydiiyeen haweeneyda guriga ka guurtay oo iyadu geysay goobtii ay u guurtay oo alaabtii oo wali xirixiran ay furfureen si ay caddeymo u raadiyaan.

Baaritaanka ayaa booliiska la galay xaafadda Gatundu halkaas oo caddeymo kale laga helay. Baangad dhiig leh iyo qalab kale oo la mid ah kuwii laga helay Qabuuraha Langata ayaa halkaasi laga helay.

Si la mid ah uun gurigii dilka lagu geystaym eedeysanaha ayaa nadiifiyay dhibic walboo dhiig ah, balse maaddaama uu degdegsanaa si fiican uma nadiifin.

Dhanka kale, danbi-baarayaasha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in tuhmanaha ugu weyn uu gacanta ku hayay taleefoonka gacanta ama SIM Card-ka gabadha la dily, oo uu dhowr jeer kula xiriiri xubnaha qoyskeeda.

Baarayaasa oo dib ugu laabtay baaritaanka qabuuraha Langata, ayaa waxay halkasi ka soo heleen teleefoon iyo dhar u ek midkii ay sidatay Deeqa Cabdinuur Qorone.

Iyadoo baaritaanku socdo, ayay saraakiisha laanta dambi baarista Kenya ee DCI waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay dabagalaan kiiskan iyo kiisaska kale islamarkaana si degdeg ah lagu soo dhammeystiro

Related posts

 Sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska oo la meel mariyay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo bilowday abaabulka qorshe cusub oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyey Taliyihii Ururka 6aad ee Kumandoska Gorgor

Caydiid Ali
Taboola Ads ---