Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyay in Diyaarad ku dhacday deegaan Al Shabaab maamulaan

Dowladda Mareykanka, ayaa xaqiijisay jiritaanka war horey usoo baxay oo sheegayay in diyaarad nuuca howlgallada iyo sahminta loo adeegsado maalmo kahor ku dhacday deegaan ay maamulaan kooxda Al Shabaab oo kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu shaaciyay  in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-1C ay ku dhacday deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellada Hoose, taariikhdu marka ay aheyd 5-tii bishan  November.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in aan wali la ogeyn waxa sababay in ay soo dhacdo diyaaradan milatariga isticmaalaan, waxa ayna sheegeen in aysan jirin caddeymo muujinaya in diyaaradan lasoo riday.

Deegaanka diyaarada ku dhacday ee Farsooley waxaa maamula kooxda Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in goobta si deg deg ah ku gaareen marka ay diyaarada ku dhacday, waxa ayna sheegeen ilo dadka deegaanka katirsan in diyaarada dhacday ku xirnaayeen gantaalo duqeymo loo adeegsado.

Diyaaraddan lagu magacaabo MQ-1C, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Grey Eagle, ayaa qiimo ahaan la sheegaa in ay joogto $21 milyan oo dollar , waana diyaarad joogga hoose ku socota , oo loo adeegsado howlgallada ilaalinta iyo sahaminta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labada aqal ee Baarlamanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Caydiid Ali

Xuska Maalinta Qaranimada dalka Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dal Carbeed oo Dhax dhaxaadinaya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---