Allbanaadir.com
NEWS

Taageerayaal reer Israel ah oo lagu weeraray Amsterdam (Sawirro)

Dhallinyaro ka caraysan xasuuqa ay Israa’iil ka sameynayso Qasa iyo dhulka Lubnaan ayaa xalay weerarray boqollaal Israa’iiliyiin oo ku sugnaa magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Netherlands.

Yuhuuda la weeraray ayaa ahaa taageerro kubadda cagta ah oo halkaas u tagay si ay u daawadaan ciyaar u dhaxeysay kooxda kubadda cagta ee Maccabi Tel Aviv iyo kooxda reer Holland ee Ajax.

Weerarkan ayaa dhaliyay in si xun loo garaaco Israa’iiliyiinta oo qaarkood ay miyir daboolmaan, kuwa kalena waxaa la sheegay dhaawacyo culus la gaarsiiyay. Halka kuwa kale lagu khasbay inay dhahaan ‘Falastiin xor ah’, iyadoo muuqaallo laga duubay.

Israa’iil ayaa sheegtay inay billaabeen qorshe lagu soo daabulayo Israa’iiliyiinta, iyagoo adeegsanaya diyaaraddo xamuul ah iyo kooxaha gurmadka deg deg ah. Sidoo kale, diyaaradda calanka Israa’iil ku duusha ee El Al ayaa duulimaadka Amsterdam iyo Tel aviv ka dhigtay bilaash, iyagoo shaqeynaysa illaa berri.

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands,  Dick Schoof oo dhacdadaan ku sheegay wax aan dalkiisa laga aqbaleyn ayaa la xiriiray Netanyahu, isagoo u sheegay inay soo qaban doonaan dhallinyarada ka dambeysay weerarka oo ay maxkamadeyn doonaan.

Netanyahu oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inuu u arko weerarka qorshaysan ee Yuhuuda nacaybka ah ee ka dhanka ah muwaadiniinta Israel inuu yahay mid halis ah,” Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidaas yiri, isagoo intaa ku daray inuu codsaday in la kordhiyo ammaanka bulshada Yuhuuda ee Nederlands.

Related posts

Shiikh Hassan Nasrullah oo kashifay sir muddo dheer u qarsaneyd kooxdiisa Xisbullah

Caydiid Ali

Saldhigga ciidanka Maraykanka ee Jabuuti oo xanibaad lagu soo rogay (Sababta)

Caydiid Ali

Buuxinta kuraasta banaan ee Golaha shacabka Somalia oo go’aan laga soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---