Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo xilkii ugu horeeyey u Magacaabay haweeney

Markii ugu horeysay Taariikhda America Haweeney ayaa loo magacaabay, Madaxa Shaqaalaha ee Aqalka Cad (Cheif of staff).

Susie Wiles oo aheyd madaxii ololaha doorashada Trump ee sanadkaan ayaa noqotay Qofkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha la doortay uu magacaabo.

Ilaa 2016-kii ayey la soo shaqeyneysay Trump iyadoo 2024 Guusha u keentay maadaama eey aheyd madaxii olalahiisa doorashada.

Rag badan ayaa xilkan aad u raadinayey balse Madaxweynaha ayaa iyada ka doortay maadaama la soo halgantay daacadna u aheyd, guusha uu gaaray hogaamineysay.

Trump ayaa la filayaa inuu xilka madaxweynaha Mareykanka la wareego 20ka bisha Janaayo ee sanadka 2025 isagoo mudada intaas ka horeysana magacaabaya masuuliyiinta ka mid noqonaya maamulkiisa afarta sano ee soo socota.

Related posts

Hooyo dhashay 9-Cunug oo Mataano ah oo Warbaahinta la hadashay iyo Nolosha Caruurtaas oo..

Cabdi Cade

Askari Dowlada Mareykanka u soo jiiday ceeb iyo fadeexad oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

(Sawirro) Shacab taageero u muujinaya Falastiiin oo dibad baxyo ka bilaabay Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---