Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibanadii gaaray Kismaayo oo jawi dalxiis galay (Sawirro)

Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Dowladda Jubbaland, oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa jawi dalxiis ku qaatay xeebta Liido ee magaaladaas.

Xildhibaanadan Kismaayo gaaray iyo kuwo kale oo lagu wado in maanta magaalada yimaadaan ayaa ka qeyb gali doona, kulan wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidoo wax looga qaban lahaa xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Jubbaland iyo federaalka taasoo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka  oo lagu kala aragti duwan yahay.

Axmed Madoobe ayaa dhowaan ka baxay shirka golaha wadatashiga ee ka socday Muqdisho markii uu ku adkeystay inuu qabsanayo doorasho dadban halka madaxda federaalku doonayaan in muddo kordhin sanad ah la siiyo madax goboleedyada ka dibna la qabto doorasho dadweyne.

Related posts

Joe Biden iyo Vladamir Putin oo ka hadlay guusha Madaxweyne Erdogan

Cabdi Cade

Helista Shidaalka Soomaaliya ee sahankiisa bilowday Horumar mise hoog?

Cabdi Cade

Xiliga iyo goobta uu ka dhacayo kulanka Donald Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---