Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo shaaciyey qorshe fadeexad ku ah ciidanka Israel

Sida laga soo xigtay wargeyska The Times of Israel iyo telefishinka Channel 12, wuxuu isku dayayaa RW Netanyahu inuu tijaabiyo daacadnimada kooxaha ka tirsan dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Qasa ee gacanta ku haya maxaabiista Israa’iiliyiinta

Netanyahu ayaa u soo bandhigay 5 milyan oo dollar, marin ammaan ah oo ay uga baxayaan xubin kasta iyo qoyskiisa oo soo wareejisa maxaabiista ay heyso, iyadoo ay intaa dheertay inay Israa’iil gacan ka siinayso sidii uu dib u dejin uga heli lahaa dalalka uu codsado dagaalyahan kasta oo soo dhiiba maxaabiista uu hayo.

Wasiirkii xilka laga qaaday ee difaaca Israa’iil, Yoav Gallant oo u muuqda inuu arrintan ka jawaabayo ayaa maanta u gudbiyay qoysaska maxaabiista kaliya in talaabadan aysan shaqeyn doonin, maxaabiistana lagu sii deyn karo heshiis, wax kasta oo kalena wuxuu ku sheegay inaysan suuragal ahayn.

Qorshahan wuxuu fadeexad ka yahay sirdoonka iyo ciidanka Israa’iil oo taageerro ka helaya Mareykanka iyo xulafada kale, sababtoo ah qorshahan ayaa ka marqaati kacaya iskuday kasta oo militari inay Israa’iil xaqiijisay inaysan ku heli karin maxaabiista gacanta ugu jira dhaqdhaqaaqyada marinka Qasa, taasi waxay awood siinayaa dhaqdhaqaaqyada iska caabinta.

Marka loo eego sida uu qorshahan u shaqeynayo, Falastiiniyiinta waxay wax badan ka garanayaan taariikhda Israa’iil iyo hab-dhaqanka Netanyahu, taasi waa in natiijadu tahay qof kasta oo ay aqoonsato Israa’iil inuu gacanta ku hayay maxaabiista, wuxuu noqon kara mid ku dambeeya xabsiyada Israa’iil, maaddama aysan diiwaanka ku jirin heshiis dammaanad qaad oo ay waligeed dhaqan gelisay Israa’iil, waxayna u qaadanayaan dabin, taasi waxay ku filantahay in qorshaha Netanyahu uu yahay kaliya mid fadeexad ah oo aan lagu gaari karin natiijada balan-qaadyada uu sameynayo.

Related posts

Xildhibaan Soomaali ah oo labo qof ku dilay Deegaankii laga soo doortay iyo Sababta Keentay

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

admin

C/Xakiin Camey oo Daruufo jira owgeed uga laabtay Dacwad uu ka gudbiyay Madaxweyne Gaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---