Allbanaadir.com
NEWS

Baraf markii u horeysay ka da’ay Saxaraha Sacuudiga (Sawirro)

Markii ugu horreysay ee taariikhda la diiwaangeliyay baraf ayaa ka da’ay lama-degaanka Sacuudiga.

Dhacdadani waa mid naadir ah maadaama cimilada Sacuudigu ay guud ahaan kulushahay, gaar ahaan lama-degaanka.

Khubaradu waxay u arkaan tani inay tahay tusaale kale oo muujinaya saamaynta sii kordheysa ee isbedelka cimilada ay ku yeelaneyso caalamka.

Barafkan ayaa da’ay gobolka Al-Jawf ee Saudi Arabia oo u badan dhul lama degaan ah sidoo kale roob iyo roobdhagaxyaale, iyo biyo-mareenno ayaa gobolka lagu arkay

Dadka deggan Al-Jawf ayaa la yaabay markii ay arkeen dhulkooda lama degaanka ahaa oo isku bedelay dhul cad oo baraf uu daboolay.

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga barafkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee taariikhda casriga ah lagu arko dhulka boqortooyada qeybo ka mid ah.

Dhacdooyinka cimilada ee aan la fileynin ayaa soo jiidatay dareenka dadka, iyadoo tani ay ku soo aaday xili dhowaanahan isbedelo lagu arkay dhulka sacuudiga gaar ahaan buurihii qalalnaa oo isku bedelay dhul doog cagaar ah iyo dooxooyin biyuhu qulqulayaan oo meelaha qaar ka soo burqaday.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Nabad Sugida Soomaaliya oo War kasoo saartay sargaal katirsan Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade

Aqoon-isweydaarsi looga hadlay horumarinta xirfadleyda Caafimaadka oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

Qaleey Yuusuf Jiile oo xalay lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahiino ka soo baxaya

Caydiid Ali