Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.
Baarlamaanka labada Aqal ayaa todobaadkan muddo bil ah dib u dhigay fasaxooda, kaddib codsi uu u jeediyay Madaxweynaha, waxaana la filayaa inta dhawaan uu Baarlamaanka bilaabo doodaha la xiriira xeerarka doorashooyinka.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA