Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Wasiirka Difaaca DF kala hadlayaa afar dal oo uu booqanayo?

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan iyo kuwa cusub ee lagu wado inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu bilowdo sanadka 2025.

Safarka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas İbrahim Sheekh Muxudiin, iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Wasiirka oo ka hadlay socdaalkaas ayaa sheegay in uu guul ku soo gabagabeeyay safarka Jabuuti, halkaasoo ay mas’uuliyiinta dalkaasi kaga wada hadleen amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika uu ka bilaabayo Somalia.

“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo haatan ku sugan Uganda ayaa sheegay in madaxda dalkaas uu kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen hawlgalka cusub.

Socdaalkiisu wuxuu sidoo kale gaari doonaa dalalka Burundi iyo Kenya, halkaasoo uu kala hadli doono sidii dalalkan ay gacan uga geysan lahaayeen qorshaha cusub ee nabad ilaalinta.

Kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.

Related posts

Nin lagu eedeeyay in xalay uu dilay Nabadoon Xasan Cali Muude oo si deg deg ah loo toogtay

Cabdi Cade

William Ruto oo Maxkamada sare ee Kenya u gudbiyay codsi ka dhan ah Raila Odinga

Cabdi Cade

Deeqdii Imaaraadka Carabtu ka soo dejiyeen Muqdisho oo yaab iyo fajac abuurtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---