Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullaah oo shaacisay in Israa’iil duqeyn ku dileen Abu Haider Nasrallah

Nin adeer u ahaa hogaamiyihii hore ee ururka Xisbullah Sheekh Xasan Nasrallah, ayaa la sheegay in lagu dilay duqeymo ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen guri kuyaalla koonfurta dalka Lubnaan, gaar ahaan deegaanka Bazouriyeh, ee degmada Tire .

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ururka Xisbullaah ayay  ku sheegtay in la dilay nin adeer u ahaa  hoggaamiyihoodii la dilay, waxaana adeerka Nasrullaha ee weerarka lagu dilay lagu magacaabi jiray Abu Haider Nasrallah

Xisbullaah ayaa shaacisay in Abu Haider lala dilay xubno katirsan qoyskiisa oo guriga la joogay , waxa ayna kooxda sheegtay in ka aargudan doonaan ciidamada Israa’iil ee sida gardarada ah u dilaya shacabka reer Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa horey u dilay Sheekh Hassan Nasrallah, oo 64 jir ahaa, kaa oo ururka Xisbullaah hoggaaminayay muddo 32-sanno ah, waxa uuna hoggaamiyahan ahaa mid dagaallo adag la galay Israa’iil culees badana ku haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

IMF oo warbixin xasaasi ah ka soo saartay dhaqaalaha Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Saraakiil katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/W Kheyre uu kusoo cumraystay magaalada Barakeesan ee Makka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---