Allbanaadir.com
NEWS

Cali Yuusuf oo loo magacaabay Wasiir Arrimo Dibadeed iyo DFS oo hambalyo u dirtay

Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa  qadka taleefanka hambalyo diirran ugu diray Dr Cali Yuusuf Axmed, oo ah Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Suudaan.

Wasiir Fiqi ayaa Dr Axmed u rajeeyay guul ku aaddan xilka cusub, isagoo hoosta ka xariiqay inay muhiimtahay xoojinta iskaashiga ee dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Labada wasiir waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinnimada ku dhexeysan ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo isku raacay inay sii horumariyaan iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, iyo dadaallada xasilloonida gobolka ee ku qotoma danaha wadajirka ah ee labada wadan.

Dalka Sudan waxaa ka socd dagaallo sukeeye oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa gurmadka deg degga, kuwaa oo isku haya talada dalka Sudan cidda hoggaamineysa.

Related posts

Nin qarax miino aasayay oo la toogtay iyo Booliiska Muqdisho oo war kasoo saaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ka soo saaray War-saxaafadeed (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta Wadatashi la yeeshay Culumaa’udiin caan ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---