Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senatka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalka Odayaasha, kaddib marki ay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga.
Aqalka Senatka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kaddib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed.
Mitch McConnell, oo noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka ayaa sheegay, in Aqalka Odayaasha ee soo socda uu waardiye muhiim ah u noqon doono America.
“Maalin wanaagsan ayay u tahay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu McConnell u sheegay wariyaasha Arbacadi shalay.
Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar ka mid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi.
Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono.