Allbanaadir.com
NEWS

Maxay Somalia & caalamka uga dhigan tahay doorashada Trump?

Doorashadii madaxtinimo ee Maraykanku waxay heshay indhaha caalamka oo dhan iyadoon loo eegin in siyaasadda Maraykanku ay dunidda saamaynayso, si toos ah iyo si dadbanba,laakin doorasha waqtigan waa mid taariikhi ah , kana muhiimsan doorashooyinkii hore, sababtoo ah waxay ku soo aaday xilli duniddu ay ka jiraan colaado qoto dheer,waxaana caalamka ka socda dhaqdhaqaaq xooggan ee dhinacyada  siyaasadda, ciidanka iyo dhaqaalaha.

Maraykanku waa kan ugu dhaqaalaha badan adduunka, waana kan ugu awoodda badan militariga. Sidoo kale waa laf-dhabarta isbahaysiyo istiraatijiyadeed oo badan oo caalami ah oo ay ugu weynyihiin isbahaysiga militari ee NATO iyo midka dhaqaalaha ee G7.

Ku dhawaaqista guusha musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa dhalisay su’aallo badan oo ku saabsan sida uu madaxtanimadiisa labaad u sameyn karto caalamka.

Waxaa jira su’aallo iyo shakiyo la xiriira  ballanqaadka Mareykanka, ee fulinta uga baahan madaxweynenimada labaad ee Trump, si uu u difaaco asxaabtiisa iyo xulafadiisa dagaallada iyo colaadaha waqtigan lagu jiro.

Trump ayaa si cad u sheegay intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada in uu aaminsan yahay in isbedel weyn oo lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ay lagama maarmaan tahay.

“Waxaa naloola dhaqmay si aad u liidata, gaar ahaan xulafadayada,” ayuu yiri bishii hore xaflad olole oo ka dhacday Wisconsin. Waxaan u ilaalinaa ciidan ahaan, ka dibna waxay nagu khiyaameeyaan ganacsiga. “Ma ogolaan doono inay tani dhacdo mar dambe.” Marka waxay u muuqatay inuu la hadlayo xulafadiisa reer galbeedka.

Haddaba guusha Trump maxay uga dhigan tahay caalamka intiisa kale?

𝗡𝗔𝗧𝗢

Saraakiil badan oo hore, sida Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton, ayaa tuhunsan in Trump uu raadin doono inuu ka baxo NATO muddo xileedkiisa labaad ama uu wiiqi doono doorka Mareykanka uu ka qaadanayo horumarinta dhaqaalaha iyo awoodda NATO.

Intii lagu guda jiray doorashadiisa ugu horeysay, Trump wuxuu ku hanjabay inuu Mareykanka ka bixi doono isbaheysiga, tallaabadaas oo ay khubaradu rumeysan yihiin inay sababi karto burburka NATO.

Dhaqaalaha difaaca ee Washington wuxuu u dhigmaa saddex-meelood laba meelood miisaaniyada milatariga ee 32 xubnood ee isbahaysiga NATO.

Trump waxa uu ku faanaa in uu kaalin xoog leh ka qaadanayo in dalalka kale ee NATO lagu qasbo inay si siman u bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya isbahaysiga, taas oo ah boqolkiiba 2 wax soo saarka guud ee gudaha dal walba oo xubin ka ah NATO.

Kaliya 23 dowladood oo xubnaha ka ah ayaa gaaray hadafkan sannadka 2024 oo dhaqangeliyay in dhaqaalaha dalalkooda boqolkiiba labo inay ku bixinayaan miisaaniyadda NATO. Markii ay maanta soo baxday inuu ku guuleysanayo doorashada, siyaasiyiinta reer Yurub ayaa billaabay inay baraha bulshada ku wadaagaan farriimaha ay ku sheegayaan in hadda uu yimid waqtigii ay isku diyaarin lahayn inay Yurub is difaacdo iyadoo oo aan sugeyn Mareykanka, taa oo muujinaysa cidda u horreysay ee dib u doorashada Trump ay saameysay inay tahay isbahaysiga galbeedka ee NATO.

𝗨𝗸𝗿𝗮𝗶𝗻𝗲

Maamulka Joe Biden waxa uu aad u danaynayay in uu Ukraine ka taageero dagaalka ay kula jiraan Ruushka, iyagoo siinayay kaalmo ciidan iyo dhaqaale.

Trump ayaa ballan qaaday in uu soo afjari doono dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine, haddii uu ku laabto Aqalka Cad, balse waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in uu soo afjari doono taageerada baaxadda leh ee milateri iyo mid dhaqaale ee Kiev ay ka hesho Mareykanka, isagoo tilmaamay in laga yaabo inuu isku dayo inuu heshiis la galo Moscow oo la xiriir habka loo joojinayo dagaalka Ukraine, tan oo ka dhigan in lagu qasbi karo Ukraine inay tanaasul u sameyso Ruushka.

Trump ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu yahay ‘mid hab dhaqaale uga faa’iideysay dagaalka uu dalkiisa ku jiro’. Sababtoo ah wuxuu ka helay tobannaan balaayiin doolar hub iyo gargaar kale Washington.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo taageerada Mareykanka ee Ukraine ay shaki la’aan isku bedeli doonto ayaa hadana khubarada qaarkood waxay ku tilmaamaya imaanshaha Aqalka Cad ee Trump  inaysan macnaheedu ahayn in Kiev ay gabi ahaanba isku dhiibi doonto Moscow, xilli horey uu Trump isugu tilmaamay ‘hoggaamiyaha nabadda’,balse si cad ma uu doonayo in lagu xasuusto ama uu qaado mas’uuliyada inuu Ruushka gabi ahaanba la wareego Ukraine.

𝗗𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲

Trump ayaa khudbadii guusha ee uu maanta ka jeediyay Florida ku ballan qaaday inuu soo afjari doono dagaallada, wax yar kaddib markii ay soo baxday inuu yahay qofka ku guuleysanaya doorashada Mareykanka iyo madaxweynihii labaad ee taariikh ku sameynaya inuu muddo xileed kale dib loo doorto , si aan isku xirneyn oo kala duwan.

Ururka Xamaas, ee dagaalka kula jira Israa’iil , ayaa si dhaqso leh uga soo hadlay guusha uu Trump ka gaaray doorashada Mareykanka, kaddib markii hoggaamiyaha sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah , Sami Abu Zuhri uu sheegay in guusha musharraxa Jamhuuriga “ay hordhigeyso imtixaan ka turjumaya hadalladiisa in uu ku joojin karo dagaalka saacado gudahood.” Abu Zuhri ayaa intaa ku daray, sida laga soo xigtay Reuters, in “luminta xisbiga Dimuqraadigu ay tahay natiijo ka dhalatay doorkooda ballaaraan ee dambiyada ka dhacay marinka Qasa,” isagoo ugu baaqay Trump inuu “ka faa’iidaysto khaladaadka” Madaxweyne Joe Biden.

Dhankiisa, ra’iisul wasaaraha Israa’iil,Benjamin Netanyahu ayaa ugu hambalyeeyay Trump ku guuleysiga doorashada madaxtinimo, isagoo tilmaamay inay tahay “soo laabashadii ugu weyneyd ee taariikhda” iyo bilow cusub oo u ah isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil.

Trump wuxuu si joogto ah u sheegaa inuu yahay “hoggaamiye nabadeed .” Wuxuu ku sheegay – wareysi uu siiyay kanaalka Al-Carabiya – inuu ka shaqeyn doono nabadda bariga dhexe iyo joojinta dagaallada’.

Intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, Trump waxa uu sheegay in la joogo xilligii “nabadda lagu noqon lahaa oo la joojin lahaa dilka dadka,” laakiin waxaa la sheegay in uu u sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu: “Samee waxa ay tahay inaad sameyso.”

Madaxweynaha la doortay ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu ballaarin doono “Heshiiska Ibraahim” ee la soo gebagebeeyey 2020-ka, isla markaana horseeday inuu caadi noqdo xiriirka Israa’iil iyo dalal badan oo Carbeed, balse waxaa loo arkaa inuu yahay mid dhibaateeyay Falastiin oo god ku ridday iskudaygii lagu dhisayay dawladda Falastiin, heshiisyadan oo ay oggolaadeen dalal badan oo Carbeed wuxuu go’doon geliyay Falastiiniyiin, inuu jiro xiriir diblomaasiyeed iyo heshiisyo u dhaxeeya Carabta iyo Israa’iil, waa midda fududeysay inay Israa’iil xasuuq aan horey loo arag ka sameyso marinka Qasa ee dhulka Falastiin.

In ka badan dhinac kasta Trump wuxuu dhaqangelin doonaa doonista Israa’iil si ka duwan Biden ayuunna ku qasbi doonaa dalalka Carabta, gaar ahaanna kuwa martigeliyay madaxad Xamaas inay ku qasbaan heshiiska ay doonayso Israa’iil, taasii oo ah waxyaabaha aan wanaagsaneyn ee laga filayo inuu ku kaco Trump. Dhinaca kale, waxaa badan surtagalnimada inuu Netanyahu siiyo guul diblomaasiyadeed oo deg deg Trump, isagoo joojin kara dagaalka oo uu ku beddelanayo dabool siyaasadeed iyo Trump inuu taageerro sidii loo baabi’in lahaa dacwada loo heysto Netanyahu, si ay suragal u noqoto inuu xukunka sii joogo.

𝗧𝗮𝗶𝘄𝗮𝗻

Trump ayaa yiri “Taiwan waa in ay lacag na siiso si aan u difaacno,” isaga oo xusay in Mareykanka ay ku adkaan doonto difaaca jasiiradda “sababto ah masaafada ay u jirto.”

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Taiwan, oo hoy u ah shirkadda weyn ee soo saarta Chip-ka ee TSMC, inay meesha ka saartay warshadaha chip-ka Mareykanka.

𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗮𝗵𝗮

Khatarta muuqata ee Trump ku hayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ah qorshihiisa uu ku soo rogayo boqolkiiba 20 canshuur caalami ah dhammaan badeecadaha dibadda laga keeno.

Canshuuraha Shiinaha ayaa laga yaabaa inay noqdaan kuwa ugu sarreeya uguna muhiimsan, iyadoo Trump uu ballanqaaday inuu boqolkiiba 60 ku soo rogi doono dhammaan badeecadaha Shiinaha ee soo galaya Mareykanka.

Khubaradu waxay ka baqayaan in tillaabooyinkan oo kale ay horseedi karaan aargoosi, dagaallo ganacsi, iyo khalkhal ku yimaada dhaqaalaha adduunka.

Intii lagu guda jiray muddo xileedkii ugu horreeyay, Trump wuxuu bilaabay dagaal ba’an oo ganacsi oo uu la galay Shiinaha, wuxuuna ku soo rogay canshuuraha alaabada Shiinaha si uu uga jawaabo waxa uu ugu yeeray ‘dhaqamada aan caddaaladda ahayn ee dhinaca Beijing’, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, xatooyada tignoolajiyada Mareykanka.

Laakiin madaxweynaha la doortay ayaa dhawaan ammaanay “xiriirka shakhsi ahaaneed ee xooggan” ee uu la leeyahay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Waxa uu u sheegay wargeyska Wall Street Journal in aanu u baahnayn in uu isticmaalo awood milatari haddii Beijing ay u dhaqaaqdo in ay go’doomiso Taiwan; Sababtoo ah hogaamiyaha Shiinaha “wuu i ixtiraamaa oo wuu ogyahay inaan ahay nin waalan.”

Iyadoo guusha doorashada Trump ay soo baxday Arbacada maanta, Shiinaha ayaa maanta muujiyay rajada ay ka qabaan “ku wada noolaanshaha nabadda” ee Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha,Mao Ning ayaa tiri; “Waxaan sii wadi doonnaa inaan u wajahno xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka iyadoo ku saleysan mabaadi’da ixtiraamka labada dhinac, nabad ku wada noolaanshaha iyo iskaashiga faa’iidada labada dhinac,” iyadoo raacisay “inay ixtiraameyso doorashada dadka Mareykanka ee Trump.”

𝗜𝗿𝗮𝗻

Marka la eego Iran, iyo si ka duwan sida uu u wajahayo dagaalka Ruushka ee Ukraine, madaxweynaha la doortay ayaa laga yaabaa inuu taageero fikradda kordhinta taageerada militariga Mareykanka ee Israa’iil ee dhinaca Iran iyo xulafadeeda bariga dhexe ee dhaqdhaqaaqyada ay taageerto, waxaana laga yaabaa inuu xitaa amaro ka qaybgalka militariga Mareykanka.

Trump ayaa mawqif adag ka taagan Tehraan iyo hamigeeda nukliyeerka marka loo eego maamulka Joe Biden, wuxuuna ballanqaaday inuusan waligii oggolaan doonin inay Iran heysato bambooyin nukliyeer ah.

Go’aankii uu ku baabi’iyay heshiiskii Nukliyeerka ee Iran ayaa ahaa mid ka mid ah go’aannadiisa siyaasadeed ee ugu muhiimsan ee afartii sano ee uu ku sugnaa Aqalka Cad.

Iran ayaa lagu eedeeyay in ay jabsatay ololaha Trump bilihii la soo dhaafay, illaa kooxda ololaha Trump ay ku eedeeyeen Iran inay abaabushay labo iskuday oo ay ku doonaysay inay ku disho, arrimahan oo la hubo in ay sii xumeynayso  xiisadda kala dhaxeysa Iran inta lagu guda jiro muddo xileedka  labaad ee Trump.

𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮

Trump waligii ma soo hadal qaadin inta uu ku jiray ololaha doorashada wax la xiriira arrimaha Afrika gaar ahaan mandaqada bariga Afrika ee ay ku taallo Soomaaliya, balse si ka duwan ololihiisii hore ma jirin hadallo ka dhan ah Soomaaliya oo uu sheegay, iyadoo markii u horreysay lagu arkay markii uu ku sugnaa gobolka Minnesota koox Soomaali ah oo taageerraysa Trump, kuwaasoo xataa la soo istaajiyay halka u horreysay ee goobta uu dadweynaha kula hadlayay Trump.

Muddo xileedkiisii hore Trump, wuxuu Soomaaliya ka saaray ciidankii Mareykanka ka joogay, wallow uu markaa sidoo kale dhaqaale badan ku taageerray, balse arrimaha isha lagu hayo hadda waa waxa uu ka yeelayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriira arrimaha badda, xilli dhinaca Itoobiya laga arkay inay door bidayeen inuu doorashada Mareykanka ku soo baxo Trump, waxay Addis xiriir wanaagsan la leedahay Tel Aviv iyo Abu Dhabi oo saameyn ku leh Trump, si ka duwan Soomaaliya , laakin taa oo jirta ma jirto filasho ah inuu faragelin ku sameynayo khilaafkan isagoo si cad dhinac u taageerraya.

Docda kale, waxyaabaha ugu horreeya ee ay ka imaanayso la macaamiilka Soomaaliya iyo maamulka Trump waxaa laga filaya inay ka billaabo qorshaha dib usoo celinta muhaajirin,arrimahan waxay soo dhaweyn karaan in Trump uu la macaamiil la sameeyo Soomaaliya, si ka duwan marxaladdii muddo xileedkiisii hore oo Soomaaliya lagu soo daray dalalkii uu xannibaada socdaalka saaray Trump.

𝗠𝘂𝗵𝗮𝗮𝗷𝗶𝗿𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮

Trump wuxuu weeraray siyaasadaha socdaalka ee maamulka Biden, wuxuuna ku tilmaamay haweenaydii uu doorashada kaga guuleystay ee Kamala Harris  inay tahay  hoggaamiye daciif ah oo “doqon” ah, oo ka dabacsan la tacaalida socdaalka iyo dembiyada aan caadiga ahayn.

Trump ayaa ballan qaaday in uu qaban doono ol’olihii masaafurinta ee ugu ballaarnaa ee soo galootiga sharci darrada ah ee taariikhda Mareykanka, isagoo sheegay in “xuduuda koonfureed ee Mexico ay noqotay meel ay ka soo galaan dambiilayaasha iyo maxaabiista ka soo baxsata dambiyo ay dalalkooda ka soo galeen’. Si dhaqso ah maanta waxaa u hadashay Karoline Leavitt, oo ah afhayeenka ololaha Trump, ayaa ku dhawaaqday in tallaabada u horreysa ee uu qaadayo Trump marka uu xafiiska la wareego inay tahay fulinta ballan-qaadkiisii ahaa masaafurinta muhaajiriinta aan sharciga haysan, sida ay baahisay shabakadda NBC News.

Trump oo 78 jir ah wuxuu  ka dhashay qoys maal-qabeen ah, islamarkaana ku taajiray ganacsiga hantida ma guurtada ah, ayaa dunida ka yaabiyey isaga oo doorashadii 2016 si dirqi ah uga guuleystay Hillary Clinton.Trump waa madaxweyne hore kii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii. Sidoo kale, waa qofkii ugu horeeyay ee lagu helo dambi culus ee haddana loo doorto madaxweyne.

Waxaa diyaariyey

IMAN JAMA

Related posts

Meydadka tahriibayaal barafoobay oo laga helay xadka Turkiga iyo Giriiga

Caydiid Ali

(Xog) Sida uu ku yimid heshiiska dhexmaray Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo War ka soo saartay qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Marko

Caydiid Ali
Taboola Ads ---