Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya oo booqday Jubbaland (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, Jeneraal Charles Kahariri ayaa Talaadadii booqday Qaybta 2-aad ee ATMIS oo saldhigoodu yahay Dhoobley si uu u qiimeeyo daryeelka iyo diyaargarowga ciidanka.

Jeneraal Kahariri ayaa ammaanay xirfadda iyo nafhurnimada ciidanka ay hurayaan xasilinta Soomaaliya, wuxuuna dib u xaqiijiyay taageerada Kenya ee Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ee AUSSOM.

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan ciidanka Kenya oo ay ku jiraan Sarreeye Guuto Faustino Lobaly & Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian ayaa Taliyaha Ciidanka ku wehliyay booqashada. ATMIS iyo qeybaheeda.

Dhinaca kale Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ahna madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine, ayaa Talaadadii Xarunta sare ee hawlgalka kula kulmey ku xigeenka agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Afrika, Mathieu Briens iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Waxay ka wadahadleen u guurida hawlgalka cusub ee AUSSOM, taageerada Midowga Yurub, iyo xaaladda siyaasadeed & amni ee Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre & Guddomiye Mursal oo caawa dalka ku soo laabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Mashruuca Sugidda Amniga Muqdisho oo la daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Laftagareen oo ka hadlay Baaqii Dib u heshiisiinta ee kasoo baxay Sheekh Aadan Madoobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---