Allbanaadir.com
NEWS

Sidee Madaxda dunidu kaga fal celiyeen soo laashabada Trump?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Hogaamiyeyaasha dunida ayaa hambalyo u soo diray madaxweynaha la doortay, isla markii warbaahintu ay muujisay inuu hayo dariiqii uu ku hantin lahaa guusha doorshada.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisulwsaaraha UK Keir Starmer ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu horreeyay ee u hambalyeeyay Donald Trump oo ku guuleysiga doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Doorashada madaxweynaha cusub ma ahan kaliya wax ku weyn Maraykanka – hogaamiyaha cusub ee Aqalka Cad ayaa wax ka bedeli kara siyaasadda dibadda ee dalka iyo mowqifkiisa ku wajahan saaxiibada iyo cadawga caalamiga ah.

Qoraalkiisa, Netanyahu – oo xiriir qalafsan la lahaa madaxweyne Joe Biden – wuxuu ka hadlay “soo laabashadii ugu weyneyd ee taariikhda”, isagoo intaa ku daray in ku soo laabashada Trump ee xafiiska ay siineysa “bilow cusub oo Ameerika ah, dib-u-heshiisiin xooggan oo ku aaddan isbahaysiga weyn ee u dhexeeya Israel iyo America ”

Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in Trump lagu tijaabin doono hadaladiisa ah in uu saacado gudahood ku joojin karo dagaalka isagoo ah madaxweynaha Mareykanka.

“Waxa aan ku boorrinaynaa Trump in uu wax ka barto khaladaadka Biden,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ra’iisul wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa yiri: “Waxa aan rajeynayaa inaan la shaqeeyo Trump sanadaha soo socda.”

Waxa uu intaas ku daray: “Laga oo bilaabo kobaca iyo amniga ilaa hal-abuurka iyo teknoolojiyadda, waan ogahay in xiriirka gaarka ah ee UK iyo Mareykanka uu kusii socon doono inuu ku barwaaqoobo labada dhinac ee Atlantic sanadaha soo socda.”

Ra’iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orban – oo ay isku dhow yihiin Trump – ayaa sheegay in doorashadiisu ay tahay “guul aad loogu baahnaa oo caalamka u soo hoyatay”.

“Soo noqoshada ugu weyn ee taariikhda siyaasadda Mareykanka!” ayuu ku qoray qoraal uu ku qoray barta X.

Orban ayaa si cad u taageeray Mr Trump dib-u-doorashadiisa, ka dib markii uu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay oo kaliya ee Midowga Yurub taageera 2016-kii.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Trump, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu si wada jir ah ula shaqeeyo isaga sidii hore oo kale, “si xushmad iyo hami leh. Nabad iyo barwaaqo dheeraad ah”.

Macron waxa kale oo uu sheegay in uu wadahadal la yeeshay ra’iisal wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, kaas oo ku saabsan ka shaqaynta difaaca danaha iyo qiyamka Yurub iyada oo la kaashanaysa Maraykanka.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa u hambalyeeyay Trump, isaga oo intaa ku daray in “Jarmalka iyo Maraykanku ay muddo dheer si guul leh uga wada shaqeynayeen horumarinta barwaaqada iyo xorriyadda labada dhinac ee Atlantic”.

Xoghayaha Guud ee Nato Mark Rutte ayaa sheegay in hoggaanka Trump “uu mar kale fure u noqon doono sii wadista isbahaysigeena. Waxaan rajeynayaa inaan mar kale la shaqeeyo si aan u horumariyo nabadda iyada oo loo marayo awood Nato”.

Donald Trump ayaa dhaleeceeyay isbaheysiga Nato, isagoo ku eedeeyay xulafada Yurub inaysan bixinin wax ku filan ammaanka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku yiri X: “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Trump sida ay uga go’an tahay ‘nabadda iyada oo loo marayo habka xoogga’ ee arrimaha caalamiga ah. Tani waa dhab ahaantii mabda’a kaas oo si dhab ah u keeni kara nabad kaliya ee Ukraine

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo Shuruud la’aan aqbalay baaq uga yimid Midowga Afrika

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo baaq ku aadan Xaalada Laascaanood u diray Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Muran loo Maaro waayey oo u dhexeeya Shirkadda Twitter iyo dowlada India

Caydiid Ali
Taboola Ads ---