Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xiriira arimaha Ololaha Doorashada:
- Waxay ganaax 20 Milyan Shilin Somaliland ku rideen Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Wakiildda Cali Xaamud Jibriil.
- Sidoo kale Gudigu waxay ganaax lacageed oo dhan 20 Milyan Shilling ah ku rideen Xisbiga Waddani
Waxa kale oo gudigu diginiin kama danbays ah u direen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuwaasoo aan weli bixin ganaaxii lagu riday waxayna magacyadoodu kala yihii sidan:
- Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha C/risaaq Muuse Faarax
- Wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka C/naasir Muxumed Xasan Buuni
- Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile
- Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Faysal C/raxmaan Madar
- Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamud Qodax
- Xildhibaan G/deegaana ka hargeisa Maxamed Abiib Cismaan
Waxay kaloo digniin u direen Urur siyaasadeedka Horseed