Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay Shirka maalgashiga Jarmalka iyo Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehelinayey Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashideyaasha caalamiga ah, isla markaasna ay heleyaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

 

Related posts

Maxaad ka ogtahay hantida gaarka ah ee Madaxweyne Erdogan & Mushaharkiisa

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka digay Qorshe Madaxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa damacsan yihiin

Cabdi Cade

Muslimiinta Kenya oo ka carooday go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalkaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---