Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka haddana ahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa qarka u saaran in uu ku guuleesto doorashada Madaxweynaha dalkaasi, kaddib doorasho adag uu la galay musharaxa xisbiga Dimuqaarida Kamala Haris.
Madax badan oo caalamka maamula ayaa hambalyo horudhac ah usii diray musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, waxa ayna madaxda hambalayo u diray sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid noqday madaxda caalamka ee hambalyada u diray Donalnd Trump, waxa uuna Xasan Sheekh sheegay in uu rejo ka qabo in uu Trump sii xoojiyo iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.
“Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeenna wadan, si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka”. ayu yiri Madaxweyne Xasan.
Donald Trump ayaa durba usii dabaaldegay guusha uu ka gaaray doorashada aan wali natiijadeeda lagu dhawaaqin, waxa uuna sheegay Trump in Mareykanka uu guuleestay uuna cagta saaray waddadii saxda aheyd, isagoona u mahadceliyay dadkii doortay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com