Tirinta codadka doorashada Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa wali socota, waxaana codadka ilaa hadda la tiriyay ku horreeya musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donlad Trump oo helay inta badan codadkii ay dhiibteen muwaadiniinta Mareykanka.
Warbaahinta dalka Mareykanka oo tabinaya natiijada doorashada ee tirintooda socota ayaa aad u saadaalinaya in uu ku dhaw yahay in uu ku guuleesto Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo mar kale u muuqda in uu ku laanayo Aqalka Cad.
Donald Trump oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Palm Beach , ayaa shaaciyay in uu ku guuleesatay doorashada aan wali tirinta codadka dhammaan, waxa uuna u mahadceliyay taageerayaashiisa uu sheegay in ay sabab u ahaayeen in uu guuleesto.
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa guusha uu gaaray ku tilmaamay mid siyaasadeed oo laga shaqeeyay, waxa uuna sheegay in shacabka Mareykanka mar kale ku aamineen in uu mar kale hoggaamiyo uuna noqdo Madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com