Allbanaadir.com
NEWS

Ilhan Cumar oo mar kale gaartay guul weyn iyo Israa’iiliyiin ku fashilmay in ay…

Dalka Mareykanka waxaa ka socota doorashada dalkaasi oo si weyn ugu loolamayaan labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriya, waxaana natiijada doorashada tahay mid si weyn loo wada sugayo.

Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay ee Ilhaan Cumar, ayaa guul weyn ka gaartay doorashada si ay usii heysato kursigeeda aqalka Congress-ka ee Mareykanka .

Guushan Ilhan Cumar ayaa timid kaddib markii ay wajahday isku dayo kooxo taageersan Israa’iil ay ku doonayeen inay meesha ka saaraan Ilhaan oo matalaysa xaafadda shanaad ee gobolka Minnesota, waxayna la tartamaysay Dalia al-Aqidi oo ka socotay xisbiga Jamhuuriga, taa oo asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, waxaanay isku tilmaantay inay tahay Muslim cilmaani ah, isla markaana taageersan Israa’iil, taasoo ka duwan Ilhaan oo si weyn u taageersan xuquuqda Falastiin.

Ilhaan ayaana doorashada dhacday ku guuleystay 76.4 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka Aqidi ay heshay 23.6 boqolkiiba, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Related posts

Kulamo caawa ka socda Muqdisho & Goodax Barre oo war yaab leh soo saaray

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dad reer galbeed ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sacuudiga

Caydiid Ali

Donald Trump oo muddo kooban lagu xiray xabsiga weyn ee Fulton County

Caydiid Ali
Taboola Ads ---