Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir kale oo katirsan Xukuumadds Xamse oo is casilay kana hadlay Sababta

Wasiirkii saddexaad oo katirsanaa Xukuumadda Soomaaliya uu hoggaamiyo Xamse Cabdi Barre , ayaa iska casilay xillii uu xukuumadda ka hayay xilli xiisada siyaasadeed ee dalka ka jira sii xumaaneyso.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa Iska casilay xilkii Wasiir ku xigeenka Dekadaha XFS, waxa uuna waraaqada is casilaada u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha.

Wasiirka is casilay oo sidoo kale ah xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa deegaan doorashadiisu tahay Puntland , waxa uuna qoraal uu soo saaray ku shaaciyay sababaha uu isku casilay, isagoona eedeymo culus u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya.

Sababaha uu isku casilay Wasiir Saadaam ayuu ku sheegay in Xukuumadda shaqadeeda kusoo aruurtay daneysi iyo in ay khilaaf abuurto, waxa kale uu sheegay in la siyaasadeeyay mashaariicdii Puntland xaqa u laheyd lagana shaqeenayo burburinta nidaamka Federaalka.

Related posts

Madaxweyne Trump oo lagala caray goob uu shir Jaraa’id ku qabanayay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Milateriga qabsaday xukunka dalka Gabon oo Magacaabay hogaamiye KMG ah

Caydiid Ali

Amniga Muqdisho oo faraha kasii baxaya habeen iyo maalin & Shacabka oo qaati ka taagan dhaca iyo dil oo …!!

admin
Taboola Ads ---