Allbanaadir.com
NEWS

Katz oo loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Israel

RW Netanyahu ayaa xilka Wasiirka difaaca Israa’iil u magacaabay, Wasiirkii arrimaha dibadda Israel Katz, kaasoo aan lahayn wax khibrad ciidan ah, wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga uu  Netanyahu hoggaamiyo ee Likud.

Talaabadan ayaa timid wax yar ka dib markii Netanyahu shaqada ka cayriyay wasiirkii difaaca, Yoav Gallant.

War saxaafadeed uu soo saaray Netanyahu, kaddib markii uu xilka ka qaaday Wasiirkii difaaca Yoav Gallant, waxaa lagu sheegay sababta talaabadan loo qaaday ay tahay is faham la’aan ka dhex jiray labadooda.

Wasiirka cusub ee difaaca Katz, wuxuu mar ugu hanjabay inuu dili doono madaxweynaha Turkiga, Erdogan wuxuu caan ku yahay hadalladiisa xagjirka ah ee uusan qarin, si dhaqso magacaabiistiisa ayaa muujinaysa inuu Netanyahu galayo dagaal siyaasadeed, maaddama uu maamulka ka saaray dhammaan xubnihii bidixda, waxaana xukuumadiisa isugu soo haray wasiirro xagjir midigta fog ah, taasoo suragal ka dhigayso xaaladdo aan horey loo arag inay go’aamiyaan.

Wasiirka xagjirka ah ee amniga gudaha Israa’iil ee midigta fog, Itamar Ben-Gvir ayaa ugu hambalyeeyay Netanyahu go’aanka uu xilka uga qaaday wasiirka difaaca, Yoav Gallant, isagoo markaa sheegay in iyadoo xukuumadda uu ku jiro Gallant inan la gaari karin go’aamo lagu gaarayo guusha dagaalka.

Hase ahaatee Hoggaamiyaha mucaaraadka Israa’iil, Yair Lapid oo ka falceliyay xil ka qaadista wasiirka difaaca Israa’iil ayaa ku sheegay go’aan waali ah oo halis gelinaya amniga Israa’iil iyo nolasha askarta dagaalka ku jira, isagoo ku sheegay tallaabo uu Netanyahu ku badbaadsanayo siyaasadiisa.

Madaxa xisbiga Shaqaalaha Israa’iil, Major General Yair Golan ayaa ugu baaqay Israa’iiliyiinta inay isugu soo baxaan waddooyinka oo ay ka hortagaan tallaabada uu Netanyahu u qaaday , wax uu ku sheegay ‘wadddada burburka’, kaddib markii uu xilka ka qaaday wasiirka difaaca,Yoav Gallant .

Dibad-baxyo looga soo horjeedo xil ka qaadista wasiirkii difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa ka billowday magaalada Tel Aviv, iyadoo dibad baxayaasha ay xireen waddada isgoyska Shalom.

Netanayahu ayaa la galiyay xaalad amni gaar ah, waxaana la xiray waddooyinka gala gurigiisa ku yaalla magaalada Qudus, goobtaasoo sidoo kale la geeyay ciidamo booliis ah, sida uu sheegay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 xiisada ka dhalatay xil ka qaadista Yoav Gallant awgeed.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Ammar siiyay saraakiisha Laanta ilaalinta Canshuuraha (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigii labaad (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidanka XDS iyo AMISOM (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---