Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo qorsheyneysa duulaan ay ku qabsato Eritrea

Itobiya ayaa u soo jeedisey wadamo ka mida reer Galbeedka oo sida hoose danaheeda ugala shaqeynaya iney Soomaaliya duulaan ku qabsaneyso, markaas kadib iyadoo ilaalineysa madaxbanaanideeda ay u qorsheyneyso iney xukunka keento madax maqaar saara oo hoos imanaya awooda Itobiya, danaha Itobiyana sida ay dooneyso ay uga fulsan karto. Dowladda Itobiya ayaa lagu wargeliyey ineysan suurtogal ahayn damaceeda ku aadan iney xoogg ku boobto biyaha Soomaaliya, waxaana sabab looga dhigey iney cadaawad soo jireena ay kala dhexeeyso Xabashida iyo Soomaalida, sidaasna aysan ku suurtoobeyn iney awood xoogga ku sii haysato dhulka Soomaaliyeed, balse taas bedelkeeda ay Soomaalidu ku midoobayaan jihaadka ay horkacayaan kooxaha xagjiriinta, kuwaas oo uga daran dowladda taagta daran ee ka jirta Soomaaliya.

Waxaase taas bedelkeeda loo soo jeediyey in lagu taageerayo damaceeda haddii ay u jiheyso dhanka Eritereya oo uu ka talinayo macangeg kelitalisa oo mudo dheer dalkaas xukunkiisa xoogg ku haysta, waxaase sidoo kale lagula taliyey inuusan marna Itobiya damcin iney Eritereya dhulkeeda ku darsato sidii horay u dhacday xiligii gumeystaha, balse loo baahan yahay in loo dhiso dowlad daciifa sida Soomaaliya oo wakhti dheer ay ku qaadaneyso iney ku soo kabato, wakhtigaas dheerna u fursad u yahay in Itobiya ay ku soo cesheto adeegyadii kala dhexeeyey Eritereya oo ay ugu horeyso isticmaalka dekedda Casab. Waxaa sidoo kale loo sheegay Itobiya in haddii ay wakhti yar oo kooban ay ku guuleysato qabsashada Eritereya, iney u suurto geleyso iney midnimo xooggan ka hesho qowmiyadaha ka soo horjeeda dowladda Itobiya, gaar ahaan qowmiyadda Tigreyga iyo qeybo ka mida Amxaarada, kuwaas oo cadowtooyo xooggan u qaba diktatoorka ka taliya Eritereya.

Hanjabaada Itobiya ay u soo jeedineyso Soomaaliya ayaa loo fasiran karaa iney ka turjumeyso xeelad lagu hoos qarinayo duulaanka ay Itobiya la damacsan tahay Eritereya, waxaanse aan meesha ka maqneyn xeelad taas ka duwan oo aan xoogg ku dhisneyn oo qorshahaas abaabulan uu la damacsan yahay Soomaaliya oo iskaashi difaac kula jirto Eritereya iyo weliba waxa laga yeelayo ficil ahaan waxa laga filan karo iney Soomaaliya dagaalkaas uga falcelin karto, waxaana iska cad in Soomaaliya dagaalkaas ka qeybgalkiisu uu saameyn taban ku yeelan doono hogaankeeda siyaasadeed, maxaa yeelay waxaa dabkaas hurinaya isla wadamada taakuleeya dowladda tabarta daran ee ka jirta Soomaaliya, waxeyna Soomaaliya taas ay kala kulmeysaa caqabado salka ku haya cadaadisyo iska soo horjeeda oo uga kala imaanaya dhinacyada isdiidan oo sida dadban dagaalka ugu lugta leh, kuwaas oo ay ka midka yihiin Masar, Sacuudiga, iyo wadamo kale oo awood weyn ku leh gobolka oo hal dhinac ah, iyo kuwa Itobiya ku taageersan duulaanka oo ah dhanka kale.

Jabuuti ayaa dhexda uga jirta abaabulka duulaankaas, iyadoo mar kasta ah mida ku qasaareysa dhan walba oo uu dagaalku u dhaco, balse ay iyada ula muuqato in jabka Eritereya ay tahay guusheeda, sidaas daradeedna ay xoogga ku saareyso sidii ay Soomaaliya uga reebi lahayd isbaheysiga ay kula jirto Eritereya, waxaana si cad u muuqata oo isi soo taraya in Jabuuti ay ka welwelsan tahay taageerada Soomaaliya iyo mowqifkeeda ku aadan dagaalka lagu qaadayo Eritereya, waxeyna Jabuuti ay u soo dirtay Soomaaliya wafdi ay ku xaqiijineyso iney Soomaaliya u hiiliso mowqifka Jabuuti oo taageersan duulanka Itobiya ay ku qabsaneyso Eritereya, waxeyna Jabuuti walaaca ugu weyn ay ka qabtaa in duulaankaas ay Soomaaliya wax ka fashiliso, iyadoo taas bedelkeeda ay Masaaridu hub ku soo daldaleyso Soomaaliya, ujeedaduna ay tahay in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto difaaca Eritereya looga caabinayo Itobiya, waxaana ugu weyn cabsida laga qabo dalabka looga doonayo baahida loo qabo in Soomaaliya ay Eriteriya u dirto tobon kun oo ciidan ah oo Soomaaliya ay ku sheegeyso iney tababar ku soo qaadanayaan Eritereya, balse qasadkoodu yahay iney ka qeyb qaataan difaaca Eritereya oo abaal weyn u gashay Soomaaliya, tilaabadaas oo ay suurtogal tahay iney xumeyso xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya.

Masar ma dooneyso iney toos ula dagaalanto Itobiya oo ay uga hortimaado danaheeda ay ka leedahay reer galbeedka oo shirqooladaas abaabulan hoosta ka wada, waxeyna xoojineysaa iney si dadban ay dagaalka uga qeyb qaadato, iyadoo daaha gadaashiisa ka maamuleysa hawlgalada la isaga caabinayo duulaanka Itobiya, waxaana taas xoogaa tooshka ku iftiimisay dhowaan booqashadii qarsoodiga ahayd ee uu Soomaaliya ku yimid madaxa sirdoonka Mareykanka oo xambaarsanaa fariimo uu ka sidey madaxdiisa oo ku saabsan arrimaha ka socda Geeska Afrika iyo qorshooyinka ay dowladiisu ka damacsan tahay waxyaabaha ka soo cusboonaan kara gobolka. Sidaas si la mida Masaarida ayey wadamada reer galbeedka oo sida dadban gadaal uga soo riixaya duulaanka ay Itobiya ku qaadeyso Eritereya, ayeysan dooneyn iney si muuqata oo toosa looga dhex arko ku lug lahaanshahooda, waxeyna cabsi badan ka qabaan in wadamada waaweyn oo ay is hayaan ay qeyb ka noqdaan dagaalka, taas oo xaalada ka dhigi karta dagaal ay isaga horyimaadaan wadamada xoogga weyn, waxeyna taas bedelkeeda ay ka door bidayaan in dagaalka loo arko mid u dhexeeya wadamada Afrikaanka ee ku yaala mandiqadda.

Cabsida ugu weyn oo dagaalkaas laga qabo ayaa waxey tahay in Itobiya ay ku guuldareysato iney deg deg u qabsan weyso Eritereya, taaso oo haddii ay dhacdo keeni karta inuu dabo dheeraado dagaalku oo ay soo bataan faragelinta wadamada shisheeyaha, waxeyna fashilkaas ay Itobiya u horseedi kartaa iney ku burburto oo afgembiyo ciidan oo iska soo wada horjeeda ay dalka intiisa badan ka kala dhacaan, kuwaas oo u xuubsiiban kara iney noqdaan kooxo ay dagaal oogeyaal mileteriya ay kala hogaaminayaan, waxaana suurtogala in jabka Itobiya uu horseedi karo in Eritereya ay ku guuleysan karto in gobolada u dhow xuduudaheeda ay Itobiya ka qabsato oo ay u qaadato magdhowga dagaalka lagu soo qaaday oo loogu soo gardarooday, waxeyna guusha Eritereya ay horseedeysaa iney awood ku yeelato dhismaha dowlad cusub oo ka dhalata Itobiya iyo Jabuuti.

Haddii ay Itobiya ku guuleysato iney Eritereya qabsato oo ay halkaas ka dhisto dowlad iyada maqaarsaar u ah, waxaan shaki lahayn in Somaliya iyo Jabuuti ay raacayaan habka loo maamusay Eritereya, in kasta oo qabsashadooda loo marayo qaab ka duwan in xoogg lagu qabsado, balse ah kuwo ku dhisan xeelad siyaasadeed oo awood siineysa gacan ku qabashadooda, taas oo suurto gelinaysa in labadooduba ay ku hoos jiraan awooda Itobiya oo ka talineysa Geeska Afrika, waxeyna taas marka ay dhacdo ay dhiiro gelineysaa in Soomaaliya iyo Jabuuti ay noqonayaan goobo ay ka dhacaan dagaalo siyaasadeed oo siyaasiyiintooda loogu kala xulanayo madaxdii kala hogaamin doonta dalalkaas, wuxuuna wejigaas labaad oo xiga kan Eritereya uu noqon karaa mid saameeynta loolanka siyaasadeed ka dhigta mariin ay ku baxaan madaxda Soomaaaliya iyo kuwa Jabuut oo muda dheer ku soo jirey siyaasadaha dalalkaas, waxaana qorshahaas ah midka xiga Eretereya loo maleynayo inuu bilowdo hawlgalkiisu 2027, waxeyna mudadaas ku began tahay xiliga la filayo iney Soomaaliya yeelato dowlad cusub oo uu hogaaminayo madaxweyne cusub, kaas oo la qorsheynayo inuu ku yimaado rabitaanka ay wadaan dadaalada ka socda Geeska Afrika oo ay horseedka u yihiin faragelinta shisheeyaha.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim) 
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Ciidamo cusub oo lagu arkay magaalada Kismaayo iyo cabsi lasoo daristay Musharaxiinta qaar

Cabdi Cade

Xildhibaano si kulul uga hor yimid go’aan ka soo baxay Wasaaradda A/Gudaha Puntland

Caydiid Ali

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland oo is casilay iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade