Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo ceyriyey Wasiirkii Difaaca Israel Yoav Gallant

RW Israel Netanyahu ayaa shaqada ka cayriyay wasiirkii difaaca, Yoav Gallant, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.

War saxaafadeed uu soo saaray Netanyahu, kaddib markii uu xilka ka qaaday Wasiirkii difaaca Yoav Gallant, waxaa lagu sheegay sababta talaabadan loo qaaday

“Nasiib darro, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, kalsoonida anniga iyo wasiirka Gaashaandhigga ayaa burburtay. Waxaa la oggaaday dal-daloolooyin la taaban karo oo dhinaca maamulka ah, waxaana daldaloolooyinkaas barbar socday hadallo iyo tallaabooyin ka hor imaanaya go’aamadii xukuumadda iyo golaha wasiirrada.” ayaa lagu war saxaafadeedka

Gallant, waxaa la xasuustaa inuu si weyn uga diidday Netanyahu duulaankii dhulka ee Lubnaan oo uu sheegay inay tahay marxalad dedejinaysa guul-darrada dagaalka, sidoo kale wuxuu si weyn u doonayay inay Israa’iil qaadato heshiis ku saabsan dagaalka Gaza si loo sii daayo maxaabiista, isagoo waqtigaa soo saaray amarka lagu joojiyay qorshaha ay ciidanka Israa’iil oo kaashanaya kuwa Mareykanka isku dayayeen inay xoog ku soo furtaan maxaabiista u xiran Xamaas ee lagu hayo Qasa.

Netanyahu wuxuu xilka qaadistan oo muddo la hadal hayay sameeyay xilli uu baaritaan ku socdo xafiiskiisa oo saraakiil ka shaqeysa ay bixiyeen qorshaha dagaalka Qasa, tan oo dhalisay maxkamadda Israa’iil inay amarto baaritaan ay wadajir u sameynayaan militariga iyo sirdoonka, waxaana la xiray shaqsiyaad ku dhawaa Netanyahu.

Related posts

Xiisad ka taagan garoonka Aadan cadde & Shaqaale careysan oo ku dhaqaaaqay shaqo joojin

Caydiid Ali

Shirka Cilmi baarista Injineeriyadda, seyniska iyo tiknolojiyadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Khudbadii Farmaajo ka jeediyey Shirka golaha Guud ee Q/Midoobay oo dhameystiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---