Dalka Equatorial Guinea ee ku yaalla xeebta galbeedka ee Afrikada dhexe ayaa hadal heyn ka dhaliyay dunidda, taasoo xataa ka sare martay doorashada Mareykanka.
Arrintan ayaa timid ka dib fadeexad aan horey loo arag ku soo baxday madaxii hay’adda dambi baarista qaranka ee Maaliyadda, Ebang Engonga oo laga helay telefoonnadiisa muuqaallada haweenka ay qabaan madaxda sare ee dawladda isagoo gogol-dhaaf la sameynayo.
Haweenka uu gogoldhaafka la sameynayo ayaa waxaa ku jira xaasaska saraakiisha Madaxtooyadda, Wasiirrada, xildhibaannada, shaqsiyaadka saameynta leh illaa walaalaha isaga la dhashay, waxaana muuqaalada lagu faafiyey baraha bulshada.
Arrintan waxay noqotay dhacdo aan horey loo arag, taasoo ka dhigtay dalkii Equatorial Guinea mid caan ku noqday dhaqan-xamadii ugu xumeyd ee qof masuul ah uu ku kacayo isagoo beegsanaya xaasaska madaxda oo ay ku jiraan haween saameyn ku lahaa siyaasadda dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Ebang Engonga ayaa fadeexadan ka hor waxaa ku socday baaritaanno la xiriira musuq oo lagu soo eedeeyey.
Dawladda Equatorial Guinea oo hadda wajahaysa xaalad jahwareer ah ayaa xabsiga dhigtay sarkaalkan sare, Ebang Engonga oo ay qaraabo yihiin madaxweynaha Equatorial Guinea.