Allbanaadir.com
NEWS

Al-Makhzumi oo codsi xasaasi ah u gudbisay G/Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Ambassador Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagtay xarunta Taliska Ciidanka Ilaalada deegaanka ee Xamar .

Kormeerkan ayaa Wasiirka waxaa ku Wehelinayey Wasiirrada Deeganka iyo Isbedelka Cimilada Maamul Goboleedyda dalka Waxaana Xarunta kusoo dhaweeyey Taliyaha  Ciidanka Ilaalada deeganka Xamar Gaashaanle Sare Maxamed Carabow Cali Taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalada Deegaanka Maxamud Caraale iyo Taliyaha Howlgalinta iyo dib u habeynta Ciidanka Ilaalinta Deeganka  Xamar Gaashaanle Sharma’arke Caddow Tuuryare ,waxaana masuuliyiinta ay u kuur-galeen Howlaha Shaqo ee Ka Socda Xarunta Taliska Ciidanka ilaalada deeganka ee Xamar Iyagoona ka wada hadlay Sidii la iskaga Kaashan lahaa badbaadinta Deegaanka.

Kulanka intii uu socday waxaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ay uga mahad celisay Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Xamar kaalintooda ku aadan badbaadada deegaankeenna oo ay ugu horeyso dhaqangelinta go’aankii ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS dalka kaga mamnuucday bacaha halka mar la isticmaalo, ayadoo dhinaca kalena ay Wasiiraddu ballanqaaday in Wasaaradda deegaanka ay si dhow u taageeri doonto ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Xamar G/Sare Maxamed Caraboow Cali oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wasiiradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya iyo Wasiirrada Deegaanka ee dowlad goboleedyada ay kusoo dhaweynayaan xarunta Taliska Ciidanka Deegaanka waxaana uu ballan qaaday in Ciidammada Ilaalada Deegaanka ee Xamar ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya si loo badbaadiyo deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo dhankeeda Warbaahinta la hadashay ayaa uga mahadcelisay Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Xamar sida ay ugu taagan yihiin gudashada waajibaadkooda waxaana ay  sheegtay in kulankii maanta uu ahaa mid qiima leh islamarkaana go’aannadii kasoo baxay ay dhankooda dhaqan gelin doonaan, islamarkaana ay Ciidammada Ilaalada deegaanka Xamar ay Wasaaraddu garab taagantahay.

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Doon ay la socdeen Ciidanka dowlada oo rogmatay

Cabdi Cade

Sayid-cali Macalin oo maanta mar kale Maxkamad kasoo muuqanaya

Cabdi Cade

Imaaraadka oo lacag siinaya Musharax Madaxweyne iyo Qadar isbadal ku sameysay qorshihii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---