Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Islaam ah oo dalbatay in Israel laga saaro Q/Midoobay

Raisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim, ayaa dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ah ka codsaday in lagu taageero hadallo uu usbuuca dambe ka akhrin doono shirka Golaha Amniga QM Wuxuuna soo bandhigi doonaa, in Israel laga saaro the UNka.

Talaadada maanta ah, Israel waxay si rasmi ah u joojisay heshiis iskaashi ahaa oo 10 sano kahor ay kala saxiixdeen heyadda UNRWA ee QM u qaabilsan kaalmada Falastiin kaasoo kaalmo lagu gaarsiinayey shacabka reer Falastiin.

Malaysia oo ah dal Muslimiintu u badan yihiin, aad bay u dhaleecaysay duullaanka ay Israel ku qaadday Gaza. Waxay kaloo Israel ka mamnuucday in maraakiibteeda Zim loo yaqaan ay maraan biyaha Malaysia. Malaysia waxaa kale oo ay mamnuucday in ganacsiga Israel uu ka shaqeeyo dalkeeda.

Anwar, wuxuu kaloo ka hadli doonaa shirka Jaamacadda Carabta ee Isniinta lagu qaban doono Riyadh, Saudi Arabia. Laakiin in Israel laga eryo UN waxay u baahan tahay in qodobbada 5aad iyo 6aad ee UN ay ku xadgudubtay. Wayna ku xadgudubtay oo dad ka badan 44,000 bay intay ku duushay ku laysay guryahooda.

Waxaase jira qodob aan la dhaafi karin haddii dal ka mid ah UN laga saarayo. Waana in shanta xubnood ee Security Council ku jira ay oggolaadaan. Maraykanku qodobkaa ma oggolaan doono oo isagaa Israel ku ilaaliya UNka.

Dalalka gobolka ku yaalla sida Malaysia, Indonesia, Thailand, Singapore iyo kuwa kale, waxay diideen dagaalka ay Israel ka waddo Gaza iyo Lubnaan.

Waxay joojiyeen cunidda McDonald’s, iyo dhammaan alaabta la isku qurxiyo ee Galbeedku ay sameeyaan, kuwaa oo xiriir la leh Israel.

Related posts

Axmed Karaash oo mar kale ka hor yimid Wasiiradii uu magacaabay Deni (Akhriso)

Caydiid Ali

Gudoomiye Maxamed Mursal oo mar kale loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---