Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay, ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, u dalbay xildhibaanno badan iyo qoysaskooda fiisaha midowga Yurub ee loo yaqaan Schengen.
Axmed Macallin Fiqi ayaa la sheegay in xildhibaanno ka badan 25 xubnood iyo qoysaskooda dalka Kenya uga dalbay fiisaha Schengen, waxaana xildhibaannadan yihiin kuwii wasiirka ka difaacay mooshinkii xil ka qaadista ee laga soo gudbiyay.
Xildhibaannada Wasiirka Arrimaha Dibadda ku abaalmarinayo fiisaha Schengen, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah xildhibaanno markii hore kamid ahaa kuwii saxiixay mooshinka , balse markii dambe is baddelay sheegeyna in laga been-abuurtay saxiixooda.
Xogaha aan helnay ayaana sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu xildhibaannadan iyo qoysaskooda ka qaaday dukumintiyada, kuwaa oo hadda sugaya fiisaha Schengen, si ay ugu tagaan dalal kuyaalla Qaarada Yurub .
Xildhibaannada ayaa sida qorshaha yahay kasoo laabanaya Yurub marka ay tagaan, hasa ahaatee waxa ay qorsheenayaan in xubnaha qoysaskooda kamidka ah ee lagu wadayo fiisahan looga soo tago iskana dhiibaan dalal kuyaalla urub, gaar ahaan dalalka Faransiiska , Jarmalka iyo Holland.
Fiisaha Schengen, oo markii hore laga bixin jiray safaaradda dowladda Talyaaniga ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa la joojiyay, kaddib markii ay bateen dadka dowladda katirsan iyo kuwa masuuliyiinta wataan ee ku tagaya dalal kuyaalla Yurub , kaddibna baxsanaya isna dhiibaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com