Allbanaadir.com
NEWS

Maleeshiyaad la wareegay dhul dowladda ka burburisay dadkii deganaa

Maleeshiyaad hubeysan oo macawuusley ah ayaa la wareegay dhul  kuyaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, dhulkaas oo bilooyin kahor laga burburiyay dadkii deganaa oo sheeganayay in ay iyagu leeyihiin.

Maxkamad kutaalla maamulka Koonfur Galbeed ayaa amartay in dhulkan ay degnaayeen shacab badan in la burburiro, waxa ayna u xukmiyeen milkiyadda dhulkaasi gabar uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Dad sheeganaya lahaanshiyaha dhulkan ayaa maanta tagay dhulka la burburiyay iyaga oo wata maleeshiyaad hubeysan, waxa ayna sheegeen dadkan in dhulka iyagu leeyihiin ayna diyaar u yihiin in ay difaacdaan iskana celiyaan ciddii ugu timaada.

Qaar kamid ah odayaasha sheegaya milkiyadda dhulkan laga burburiyay ayaa sheegay in awood loo adeegsday loona burburiyay dhulkooda sifo sharcidarro ah, waxa ayna sheegeen in ay iska celinayaan cid kasta oo dhulkooda soo damaacisa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa awood ku burburiyay dhulkan kuyaalla Ceelasha Biyaha ee milkiiyadiisa la isku heesto, waxaana dhulkan oo hadda ah mid cidlo ah la wareegay maleeshiyaad hubeysan oo sheegay in ay difaacanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyeyaashii Xildhibaanada noqday Maxay u diideen dhaartii xubnaha labada aqal?

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyey iney dhaqaale siiso kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Warar cusub oo ka soo kordhay qaraxii gaari ee ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---