Xabsi ku yaalla magaalada Kermanshah ee dhacda galbeedka dalka Iran, ayaa lagu daldalay nin u dhashay dalkaasi balse diin ahaan Yahuudi ah , waxaana ninkan lagu eedeeyay laguna helay in uu dil u geestay nin kale oo gacan ka hadal dhax maray.
Arvin Ghahremani , oo ahaa xubin katirsan bulshada Yuhuudda ee laga tirada badan yahay ee dalka Iran ayaa lagu fuliyay xukun daldalaad ah, waxaana la sheegay in qoyska nin uu horey ninkan u dilay ay ka diideen in ay diyo ama mag ka qaataan.
Kooxda xuquuqul insaanka Iran (IHR), ayaa shaacisay in ninka Yahuudiga ah la dilay , waxa ayna sheegeen in ninkan sababaha loo daldalay ay qeyb ka tahay naceybka bulshada yahuuda loo qabo oo kusii kordhaya Iran, xilli uu xiisad xooggan u dhaxeeyo Iran iyo Israa’iil.
“Ayadoo ay jirto halista dagaal ay la gasho Israa’iil, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay dil toogasho ah ku fulisay Arvin Ghahremani, oo ahaa muwaadin Yuhuudi ah oo Iran u dhashay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa tani dheer, Arvin wuxuu ahaa Yuhuudi, islamarkaana nacaybka heer dowladeed ee ka dhanka ah Yuhuudda Iran ayaa shaki la’aan ah kaalin muhiim ah ka cayaaray fulinta xukunkiisa,” ayuu Amiry-Moghaddam ku daray.” ayuu yiri agaasimaha IHR Mahmood Amiry-Moghaddam.
Ninkan xukunka daldalaada ah lagu fuliyay ayaa lagu eedeeyay in uu nin dilay intii uu socday gacan ka hadal ka dhacay Kermanshah laba sano ka hor. Balse waxa ay sheegtay in sida qoyskiisu ay sheegeen in lagu weeraray mindi, uuna isku difaacay hubkii uu watay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com